Dagaal xoogan oo dhexmaray ciidanka Milatariga Nigeria iyo kooxda Boko Xaraam

0
557

Dagaal xoogan oo dhexmaray ciidanka Milatariga Nigeria iyo kooxda Boko Xaraam

Milatariga Nigeria ayaa dagaal xoogan waxay la galeen kooxda Boko Xaraam oo weerar ku qaaday laba xero oo ay ciidanka ku leeyihiin degaano hoos yimaada waqooyiga dalkaas, sida ay wakaalada wararka AFP u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka.

Dagaal yahanada ayaa weerar saf balaaran ah ku ekeeyay xero ay militariga ku leeyihiin magaalada Bama oo qiyaastii 70 kiilo mitir dhanka koonfur galbeed uga beegan magaalada Maiduguri ee caasimada u ah gobolka Borno.

Kooxaha Argagixisada ayaa watay gawaari badan oo ay ku dagaal galeen,balse waxay iska caabin xoogan kala kulmeen ciidanka Milatariga sida uu sheegay sargaal ka gaabsaday in la xuso magaciisa.

Dagaalkan oo bilowday abaara 3:45 ee xalay ayaa waxaa uu socday ilaa iyo saaka 7:05 subaxnimo iyadoo aan la sheegin wax qasaaro ah oo ka dhashay dagaalkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here