Faa’iidooyinka Caafimaad ee Doobnimadu Ay Leedahay

0
2063

Faa’iidooyinka Caafimaad ee Doobnimadu Ay Leedahay

Dhalinyarada Adduunku waxey u dabbaaldagaan sanad kasta December 11, maalinta caalamiga ah ee doobnimada, aasaas ahaan maalintani waa ciid ku faafsan dalka Shiinaha, waa maalin dadka doobabka ah ay nafisaan, waa fursad ay ku raadiyaan lamaanahooda nolosha, iyagoo rajeynaya iney ka baxaan kalinimada oo ay doobnimada sagootiyaan.

Doobabka Shiinaha ayaa maalinta 11/11 xushay si ay ciid ugu noqoto, maadaama ay tirada 1 si joogta ah ugu soo laalaalaabatay taariikhada oo afar jeer ay soo noqnqoneyso, taas oo tusaale ka ah kalinimo xooggan.

Iyadoo ay jirto in asalka maalintani ay dalka Shiinaha ay ka bilaabatay, ayaa hadana dabbaaldagga maalintani aanuu ku ekeyn dalka Shiinaha, dowlado badan ayay ku faaftay, iyadoo dowlad kasta dhalinyaradoodu wadadooda gaarka ah ay u dabbaaldagaan.

5 Faa’iido oo Caafimaad oo Doobnimadu Leedahay

Iyadoo ay jirto daraasaad badan ay xaqiijinayaan qiimaha jacaylka iyo lamaanuhu uu nolosha u leeyihiin ayaa hadana haweenayda caalimadda dhanka arrimaha bulshada ah ay sheegaysaa in doobnimadu ay leedahay faa’iidooyin farabadan oo caafimaad, haweenaydan aqoonyahanka ah ayaa lixdankii sii dhaaftay ayaa weli waxey ku dhaggan tahay nolosha doobnimada oo laga furfuri la’yahay.

Bella DePaulo (64 jir ah) oo ka tirsan jaamacadda Kalifoorniya, waxey tilmaameysaa iney weli caafimaadkeedu uu aad u wanaagsan yahay welina ay doob tahay, ay haysato xorriyad iney sports ciyaarto xilliga ay doonto, raashinkeeda ay jeceshayahay waqtiga ay rabto ay cunto, huradana ay seexato iyadoo aanuu ag hurdin cid ka kala geynaysa oo khuuro badan.

Waxey qortay buug la yiraahdo: Singled Out: How Singles Are Stereotyped, Stigmatized, and Ignored, and Still Live Happily Ever After, ayaa faa’iidooyinka caafimaad ee doobnimada waxey ku soo koobtay 5 qodob oo kala ah:

  1. Jimicsi wanaagsan oo qofku heli karo.

Cilmi-baaris ay ka qeybgaleen 13 kun  iyo 500 oo qof oo Mareykan ah in dadka xaaslaayaasha ah ay waqti kooban ku qaataan goobaha jimicsiga.

  1. Hurdo wanaagsan oo habeen kasta uu seexan karo.

Daraasad la sameeyay 2000 oo labo kun oo qof oo Mareykan ah lagu sameeyay oo ka tirsan shirkadda “Amerisleep” oo ah shirkad ku takhasustay arrimaha qoyska ayaa lagu ogaaday in celcelis ahaan dadka doobka ah ay seexdaan 7.13(Todobo saacadood iyo 13 daqiiqo) habeenkii, waana saami ka badan tan ay heleen dadka xaaslayaasha ah oo hurdo intaa ka yar seexda.

  1. Miisaanka qof oo heerkiisa ugu fiican gaaraya.

Labadii sababood oo here oo hurdo fiican oo qufku helo iyo jimicsiga oo si wanaagsan uu waqti u siiyo, waxey tilmaan ka bixineysaa in dadka doobka ah ay ka jirdhis wanaagsan yihiin xaaslayaasha, halkan waxa laga hadlayaa waa sida ay dadku u badan yihiin, laakiin taa macneheedu maaha in qof kasta oo buuran uu yahay qof doob ah.

  1. Xiriirro xoog badan oo romantigu ku yar yahay.

Halkan Bella DePaulo, waxey leedahay waxaa jira cilmi-baarisyo badan oo hoosta ka harriiqay iney dadka doobka ah xiriirka kaga wanaagsan yihiin xaaslayaasha.

  1. Qofku isagaa boqor ka ah naftiisa

Marka aad doob tahay, waxwalba oo noloshaada ku saabsan adiga un ayay kugu kooban yihiin, arrintaas oo ku dareensiinaya inaad waxwalba oo noloshaada ku saabsan aad adigu gacantaada ku hayso oo ugu yaraan cid kale oo soo dhex geli kartaa aaney jirin.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here