Saddex askari oo lagu dilay Magaalada Boosaaso

0
672

Saddex askari oo lagu dilay Magaalada Boosaaso

Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in saaka lagu dilay Askari ka tirsan kuwa Booliska Puntland kadib askari kale oo muran uu dhexmaray.

Askarigan ayaa u geeriyooday xabadii uu ku dhuftay askari kale , waxaana halkaasi ka baxsaday askarigii gaystay falka dilka ah.

Dhankale Magaalada Boosaaso ayaa xalay maqrib kadib lagu dilay Labo Askari oo mid ahaa Askarta Ilaalada Xeebaha Puntland ee PMF kuwaas oo uu dilay Askari kale oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xeebaha Puntland.

Xaalada Magaalada Boosaaso ayaa ah saaka mid degen marka laga yimaado Dilka Askarigaasi mana jirto cid gooni ah oo sheegatay Dilka Askariga inuu ku geeriyooday Muran dhexmaray Askari kale mooyee.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here