DAAWO : Somaliland Oo Si Kulul Uga Hadashey Cuno Qabateynta Hubka Somaliya Laga Qaadayo Kuna Baaqdey In Aan Laga Qaadin

0
571

DAAWO : Somaliland Oo Si Kulul Uga Hadashey Cuno Qabateynta Hubka Somaliya Laga Qaadayo Kuna Baaqdey In Aan Laga Qaadin

Hargeysa (Dalmar-News):- Somaliland ayaa waxaa ay markii ugu horeysay ay si kulul uga hadashey qaraar la doonaayo in Dawlada Somaliya lagaga qaado cuno qabateynta hubka ee Saaran

Cabdilaahi Maxamed Ducaale ergeyga Ururka Midowga Africa u qaabilsan Somaliland ayaa sheegay in arintaasi ay tahay dhib iyo mushilad gobalka ku soo korodhay Somaliya na aaney maanta hub u baahneen oo inta dhex taala ay Africa qeyb ka mid ah bur burin karto

Sidoo Kale Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa Somaliland ugu baaqay in ay arintaasi ka dhiidhido si cadna uga hor timaado waxaan uu yidhi

“ Maanta Waxaa  laga hadlayaa oo weyn in Qaramada Midoobey la geeyey qaraar lagu leeyahay cuno qabateyntii hubka  ha laga qaado Somaliya , arintaasi waa wax lala yaabo  Somaliya iyo Somaliland hub maanta lagu soo kordhiyo uma baahna , waayo hubka yaala ayaa Africa qeyb dhan oo ka mid ah bur burin kara , arintaas looma baahna Somaliland na waa In ay arintaas door weyn oo siyaasadeed ay ka sameysaa , Shacabku waa in uu ka mudaharadaa arintaas , Dawladaha arintaas dabada ka wada waa dawlado aan u tudheen magaca Soomali ba  , arint”aasi waa dhib hor leh oo ku soo korodhay Gobalka ,xaaaduna faraha ayey ka baxeysa  “ Ayuu yidhi

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://www.youtube.com/watch?v=EDIKoWpcYMQ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here