Amiirrada Carabta Lacago Intee Le’eg Ayay Ku Bixiyaan La Kulanka Aktarrada Ugu Caansan Bollywoodka

0
882

Amiirrada Carabta Lacago Intee Le’eg Ayay Ku Bixiyaan La Kulanka Aktarrada Ugu Caansan Bollywoodka

Nin Masar u dhashay ayaa dacwad maxkamadeed ku furay amiir Baxreyn ka soo jeeda, dacwad ay sababteedu tahay Bollywood, kadib markii amiirkaasi uu ka meermeeray bixinta lacago 45-milyan ah oo ay ku heshiiyeen inuu bixiyo si loola kulankiiso xidigo adduunka caan ka ah.

Ganacsadahan reer Masar ayaa dacwad ka gudbiyay Al-Sheikh Xamad Ciisa Cali Aala Khaliifa, oo ka tirsan qoyska boqortooyada Baxreyn , waxa uu ka dacweeyay maxkamadda sare ee dalka Ingiriiska si loo siiyo 35 milyan oo pound, kadib markii uu sheegay in looga baxay heshiis “Gaar ah” oo lagula galay in lagula kulmo tobonaan ka mid ah actors-ka caanka ah ee Bollywood.

Ganacsadahan oo la yiraahdo Axmed Caadil Cabdalla ayaa Sheekh Xamad ku eedaynaya inuu jabiyay heshiis gaar ah oo uu muddo 15 daqiiqo ah kula kulmi lahaa aktarrada ugu caansan oo lagu kulan siin lahaa hotello qaali ah oo ku yaalla India iyo Dubai.

Sheekh Xamad oo ay ilma adeer yihiin boqorka Baxreyn walaalana ay yihiin ku xigeenka Ra’iisul-wasaaraha dalkaasi, ayaa gacansadaha heshiis kula galay in loo diyaariyo liiska 26 aktar oo ka mid ah actorada caanka ah ee Bollywood oo uu doonayay inuu la kulmo, waxaa ka mid ahaa, Anil Kapoor, Amitabh Bachchan iyo Deepika Padukun.

Intaa ku darso, warqadaha maxkamadda loo gudbiyay waxey caddeynayaan in uu amiirku ogolaaday inuu bixiyo 1.15milyan oo Pound(1.5 milyan oo dolar) kulan kasta oo actor caan ah uu kula kulmo oo ay ku jiraan abaalmarinno iyo kharashaad kale.

Laakiin markii amiirkani uu la kulmay Aditya Kapoor, Salman Khan, Shah Rukh Khan iyo Ranvir Singh, intii u dhaxeysay January iyo March 2016, in amiirkan uu heshiiska iskaga baxay, waa marka uu bixiyay 2.3 milyan oo pound oo qura, lacag ku dhow saddex milayn oo dolar.

Ganacsade Axmed waxa uu ku doodayaa inuu mudan yahay in gacanta loo geliyo 35 milayn oo pound, lacag u dhiganta 45 milayn oo dolar, si looga kabo khasaaraha lacagihii uu ka faa’iidi lahaa heshiiskaas uu doonayay inuu amiirkan kula kulansiiiyo 22 actor oo Bollywood ka tirsan.

Ninkan gacansadaha waxa uu sheegay in Amiirkan uu ballan qaaday inuu bixin doono 380-kun oo pound si loogu kharash gareeyo xaflad abaalmarinta aflaamta lagu bixiyo oo ay soo qaban qaabiso jariidada (Times of India), halkaas oo loogu suurtagelin lahaa inuu actorada kula kulmo, laakiin lacagtaa ma’aanuu bixin.

Ganacsade Axmed waxa uu yiri: “Kadib xiriirkii wanaagsanaa ee aan filayay inaan sameysannay xilligii aan mashruucan ku wada jirnay, waxaan dareemayaa in la ikhiyaamay.”
Qareennada amiirkan u dooda ayaa sheegay in amiirka uu heshiiska ka baxay kadib markii uu arkay in culeys lagu saarayo bixinta lacago farabadan isla markaana la doonayo inuu lacago dheeraad ah ku bixiyo sabab aan macquul ahayn, halka kulmo aaney waqtigoodu habbooneyn uu doonayay inuu abaabulo.

Sanadkii 2017, ayaa amiirku uu damcay in dacwaddan laga furo maxkamadaha gudaha (Baxreyn) ee dalka uu ka soo jeedo, laakiin waa lagu gacan sayray, halka uu ku doodayay amiirkan in xiriir fiican aanuu kala dhaxeyn Ingiriiska, isla markaana halka uu caddaalad uu ka heli karaa ay Baxreyn tahay.

Gacansade Axmed, waxa uu dhankiisa ku doodayaa iney waajib tahay in maxkamadda lagu qaado gudaha Ingiriiska maadaama amiirku waqtigiisa ugu badan uu Ingiriiska ku qaato, bankiyo farabadan oo ay lacagi u tallaanaan ay dagan yihiin, haddii dacwadda Baxreyn la geeyana uu ka cabsanyo inaanuu cadaalad helin.

Sawrish Saayolla oo xubin joogta ah ka ah shirkadda Zaiwalla & Co ee qareennada u doodaysay gacansadaha Masaarida ah ayaa dacwaddan ku tilmaamay mid gaar ah, waxa uu sheegay inuu filayo in su’aalo la weydiiyo Amiirka, fadhi maxkamadeed oo 5 cisho socon laga bilaabo isbuuca soo aadan.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here