Ergooyinka Labadii Beelood Ee Colaadu Ku Dhex Martay Gobalka Sool Iyo Isimada Dhaqanka Oo U Ambo Baxay Magaalada Jigjiga + SAWIRRO

0
991

Ergooyinka Labadii Beelood Ee Colaadu Ku Dhex Martay Gobalka Sool Iyo Isimada Dhaqanka Oo U Ambo Baxay Magaalada Jigjiga + SAWIRRO

Waxaa Saaka Koonfurta gobolka Sool ka baxay Ergooyinka labadii dhinac ee Colaadu dhex-martay iyo Isimadii dhaqanka ee ku Jiray Howsha Nabada, kuwaasi oo Jig-jiga kaga Qayb gelaya Gogol nabadeed oo uu Fidiyey Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumud Cumar Cagjar

Dhowaan ayaa waxaa Labada Beelood Qaateen Xabad Joojin Shuruud la’aan Iyo Nabad, Waxaana Gogosha la dhigay magaalada Jigjiga, Waxay sidoo kale iska soo xuleen labada dhinac 42 Xubnood.

Garaad Kulmiye oo dhowaan ka hadlayey Go’aanka Jigjiga lagu dhigay Gogosha Nabadda ayaa sheegay 12 jeer oo Hore lagu Qabtay dhinaca soomaaliya, Labada Beeloodna ay degaan Labada dhinacba, Markaana lagu eegayo Jigjiga.

Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa sidoo kale waxaa lagu xasuustaa Gurmadkii uu deegaanka dadkii ay Colaadu ku samaaysay u fidiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here