Madaxweyne Muuse Biixi Oo Sannad Ku Waayay Kalsoonidii Shacabka

0
576

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Sannad Ku Waayay Kalsoonidii Shacabka

Somaliland-ta aynu rabnay iyo ta maanta joogta. Danbi kasta oo lagu wiiqmo Isaaq ayaa u aabe ah. Dood iyo Xal.

Somaliland 80-sanno ayay xorriyad Ingiriis ka raadinaysay markay heshay Isaaq ayaa god ku tuuray oo guur bilaa meher ah Soomaaliya ugu aroosay, markaana laba ayaa is raacay oo midbaa Madaxweynihii Xaji Cumar Askar iyo Raysal Wasaarihii Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal Laanmulaaxo ku siisay iyadoo takale iyo Maykal ka cararaaya. Gaaraad Caligii yidhi

“muddo inoo kaadiyana umulbaa la cadad bixiyaaye “Isaaqba Laa yaa Garaad yidhi . 30-sanno ayay hog ku jirtay, wuxuunba ka hadhi la haaye markale ayay xorriyad u rintay Isaaq oo ay israceen markii koobaad, Dawladdi Jamhuuriyadda Soomaliya ayuu Isaaq dagaal ku qaaday, cadaalad ayay noo sheegeen inay u halgamayeen. Iyagoo debadda jooga ayay laba xin isku raacday (Habarjeclo iyo Garxajis) tii kale ayay ka qaaden hadana heshiis kumay sii ahaane markay Soomali amma ha xumaato amma ha samaate Dawladdii ka dumiyeen ee ay Dalka soo galeen, waxay diirteen wixii uu dhisay kii ay la dagalamayeen ee Warshado la-ha ee hanti maguurto laha. Kumay joogine kii u madaxda ahaa ee Dalka Xorreeyay Muj: Cabdiraxmaan Axmed Cali ayay Dagaal ku qaadeen, way isu bahaysteen iyagoo is kala saaraya subax kaliya ayay 7-Wasiir oo isku degaan ahi is-casileen, kumay joogine Dagaalbay u raaciyeen.

Muddo markay isku dhiigbaxeen Beelihii Dalka la laha ayaa gogol u dhigay Boorame. Waxa isku cod aha Harti (Dhulbahante iyo Warsangali) Arab iyo Habarjeclo. 60-cod ayay haysteen oo haldheeri ah. Dhulbahante ayaa soo jeeiyay in Habarjeclo Madaxweyne noqoto Hartina oo Cali KHALIIF GALAYDH siyaasiga ugu caansan ahaana Raysal Wasaare la siiyo. Sidaana Isaaq iyo Beelaha kale awoodu ugu qaybsanto Guddoomiyaha Guurtidana Awdal la siiyo iyo xilalka raaca. Iyagoo is xiniinyo taabanaya Isaaqu, ayay Habarjeclo soo jeedisay in Habar Awal loo dhiibo Madaxweynaha, dalabka hartina daaqada laga tuuro. Alle hawnariiste Cawil Xaji Nuur iyo Siyaasi Duqsi oo raggii Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal ee 1960-aha ayaa tallada ragga hormuudka ka ahaa kamid aha. Saleeban Gaalka Guuritda jooga ayaa kaligii ka rayi duwanaaday ficilka alle ayaa u sakhiray oo mel ayay isu raacane siday Baligubadle yeeleen si lamie ah ayay dhan u wada dulaameen .

Alle hawnariiste isagoo Isaaq isku xumaynaaya ayay Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal oo aan halgankii dib u xoraynta waxba ku darsan uga yeedheen Shaariqa oo uu isaga qaxwaynaayay . Kii la soo halgamayna Dawladiisi way ka dumiyeen isagiina way ka qaadeen. Wali xinkii ayaa socde kii laga qaaday cadhadii ayuu Addis ababa dhawaaq looma fadhi ah kaga dhawaajiyay musanowgii kuwii laga ciideeyayna waa la cadhoodeen , mabay sugine Dagaal ayaa lagu wada qaaday. Muddo markii debadda loo saaray ee kumanaan Ruux ku halagmeen ayay iyana xinka xinkoodi u soo xaroodeen kii Dilaayay ayay ugu celiyeen iyagoo ka cararaaya kuwii shalay ximiyay.. Hadana murankii kamay dayn e markii kuwii baxay soo waydaarteen waxa markale xin ku mucaariday kuwii shalay iyagu Cigaal keenay ee Cabdiraxmaan Tuurna riday.

Qir iyo qir iyadoo taagan oo ragg allow yaa ina kala badbaadinaya maraysa iyo “Siqaawan ayaa loo wada hadlin “, ayaa alle oofsaday, Nasiibka kale mid kamid aha beelihii ugu balaadhna ee Dalka la laha ee Daawanaayay ayaa Xukunkii yimi Daahir Rayaale Kaahin. Isagana dagaal ayay ku qaadeen kuwo difaacay iyo kuwo isu baahaystay.

Markale ayay Isaaqnimo beena ku muusanaabeen, xinkii wali wuu socdaaye waxay wadaanba Isaaqi kursigii wuu yimi. Hadana way is ximiyeen oo kuwii is watay ayaa isugu qaylo badnaa Habar Awal iyo Habarjeclo. Kuwii Daahir Rayaale la dhacayna 7-sanno ayay is uruurinayeen oo is dhaheen hadaydaan u badnayn Isaaqi kursiga doonaayay oo codku dhan u badnaa ka eed la aada. Kuwii Xukunka qabtay 7-badii sanno may xasuuseen ee ay xilka hayeene xinkii ayay dabada hayeen, 2002-kii dhacniinkii Siilaanyo kuwii ka danbeeyay aynu maanta aasno ayay go’aansadeen. Si ay uga xanajiyaan kuw xinku ka dhaxeeyo Atoorayaashi jilaayay wixii soo dhacay Ninkii ugu hawsha badnaa ayay xisbigii u xidheen intaa kumay joogine awoodi dawladnimo iyo magacii Odaygana waa u adeegsadeen. Intaas kumay joogine mid kasta oo iyaga kamid ah caadifad iyo xoolo marba wixii u shaqeeya ayay kaga soo saareen. Mid hadhaw wax dhayaaba ha danbeeye haldookii ayaa dhan wada maray.

Kii shalay la saaray ee isna Xinka nasiib saday Muuse Biixi Cabdi oo degaankiisa wixii ay Somaliland dhiiqday 27sanno dhankiisa loo tirinaayay kuwii Cigaalkii la dagaalamay ee ay Daahir Rayaale sida jinku qofka u galo uga hoosgaleen ee ay ka shideen ee legdeen ayay hadana u sii raciyeen waanu idinka adkaanay. Kii yimi Madaxweynaha isna xinkii ma ilaawine dabada ayuu sii qabtay oo waabu ku jees jeesay kuwii uu shalayna saaray maantana legday. Iyana umay kaadine kuwii la legday xinkii ayay meelo kale ka fadkudiyeen oo jabhadayn iyo dhawaaq aan damayn ah. Wali cidi isma waydiin Dadkii kale meeye. ?? Dhulbahante xinkoodi ayay la jidheen oo markay Raysal Wasaare u diideen Garaad Cabdiqani iyo Xaabsadana way raciyeen, iyana cadhadii Dawladoodi Isaaq ka dumiyay iyo Dulmiga Somaliland tii kale kaga dhacay ayay Puntland ku aasaaseen.

Dastuurku Isaaq oo kaliya ayuu wax u ogolyahay oo waa qabyo, in la furo oo wax lawada yeeshana marbaabay soo dhawaatay oo bilihii u danbeeyay Siilaanyo u saxeexay isagoo nasiibku afka ugu soo galiyay Khaatumo iyo Galaydhkii oo islaha maruun Dhulbahnte meel ku hubso. Isagoo ku doodaya “Xamar Waqooyi oo wada socda ayaa wax lagaga helayaa midnimo iyo Ictiraad “aynu markale Isaaq ku quusano. Tiina Kii Xinka ku yimi ayaa ooda afka ka saaray oo Xinkii kuway is hayeen kaga mashquulay iyo waxa afka qalaad lagu yidhaaho (Local)

Wali xinkii Isaaq iyo Riwaayadooda aan dhammaadka lahayn ayaynu ku jirna. Hadda Hargaysa oo kaliya ayaaba isku filan, oo isku qaadatay Madaxweyne, Taliye guud ee Ciidamadda Qalabka sida, Wasiir Maaliyadeedkii, Warfaafintii, Wadooyinkii cirka iyo dhulka, Duulistii, Kaydkii mucaawimooyinka, Safiiradii Imaraadka, Jabuuti, agaasimaayashi, Maaliyada, madaxtooyada, waxbarashada, Caafimaadka, Qorshaynta, maalgashigii, Baankii, shaqadii iyo arrimihii bulshada, Booliskii, Dabdamiska, hoggaanadii coidamadda iyo wax aanan halkan ku koobi Karin. Ma rabaan Isaaq inay iyagu wada nooladaan cidna la noolato, ma radinayaan Suldaan Siciid, Garaad Saleeban, Garaad Jaamac, Ugaaski Awdal iyo aqoontii AWDAL. Iyagaa isu xiniinyo wayn, kuwooda yar yari way ku dulmanyihiin Dadka kalena way ku dulmanyihiin ee Dalka la dega. Riwaayada Saddex rer oo marba laba israacdo ayaa jilaa. Kuwii 1992-kii iyo 1994-kii Riwaayada jilaayayee Atoorayaasha aha ayaa wali jilaaya, Muuse Biixi, Maxamed Kaahin, Axmed Mirre iyo Buubaa.

Markay sidaa tahay anigu ka quusan maayo Somaliland ta aan rabo ee loo dhanyahay, walow xinka Isaaq dagaal iyo gacmo dabadeed oo khatar ku hayaa u dheeryihiin. Dastuurka in la furo ayaan ku dagaalami doona Insha allah , Xisbiga WADDANI ayaan kaga dhex dagaalamin maalintay noqotoba ee uu Guul gaadho waanay ku jirtaa barnaamijkiisa aanu ku heshiinay oo kow ayay ka tahay waaba haddii laysku simo.. Kuwa Xinka Isaaq aan ka ilbixin ee kala raacsana waxaan leyahay Wallee Nacasyo ayaad tihiin toban awoow soo khasaarayay walina habaaska fadhiya.

Muniir Axmed Cigaal

Muwaadin raba Somaliland bilaa xinka Isaaq ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here