Gabar Macalimad aheyd oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

0
887

Gabar Macalimad aheyd oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

Gabar Ardayad aheyd ayaa xalay lagu dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, iyadoo dilkeeda uu warar kala duwan ka soo baxayo.

Sida wararku sheegayaan askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa rasaas ku furay mooto bajaaj ay saarneyd gabadha agagaarka Xaafada Ceel Qalaw ee degmada Wadajir.

Gabadha ayaa lagu magacaabayay Safiyo C/raxmaan, waxay macalimad ka aheyd Dugsiga Raage Ugaas, waxaa ay ka qalinjebisay mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa dilkan walaac ka muujiyay, waxaana dad badan ay soo dhigeen sawirkeeda baraha bulshada, iyagoo dalbaday in cadaaladda la horkeeno askarigii falka dilka geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here