Ciidamada AMISOM oo dad rayid ah ku dilay Muqdisho, kaddib qarax lala beegsaday

0
627

Ciidamada AMISOM oo dad rayid ah ku dilay Muqdisho, kaddib qarax lala beegsaday

Wararka laga helayo degmada Heliwaa ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay Kolonyo Ciidamada AMISOM la socdeen oo marayay agagaarka Isgoyska SOS.

Qaraxa ayaa waxyeelo gaarsiiyay gaari booyad ah oo biyo u dhaaminayay ciidanka AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kaddib ay ciidamada bilaabeen inay rasaas furaan, waxaana rasaasta ciidamada ku geeriyooday afar ruux oo saddex ka mid ah ay fadhiyeen goob lagu shaaho, halka qofka kalena uu ahaa nin gaari dameer watay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay geysteen toogasho bareer ah, isla markaana ay rasaas ku furayeen inta u dhaxeysa Isgoyska SOS iyo EX Koonarool Balcad.

Banaan bax looga soo horjeedo falka ay geysteen ciidamada AMISOM ayaa saaka ka dhacay inta u dhaxeysa SOS, Suuqa Xoolaha illaa Ex Koontarool.

Inta badan Ciidamada AMISOM ayaa marka qarax lala beegsado waxay furaan rasaas sababta dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here