Baadigoob loogu jiro arday lagu afduubtay dalka Cameroon

0
711

Baadigoob loogu jiro arday lagu afduubtay dalka Cameroon

Dowladda Cameroon ayaa billowday hawlgal ballaaran oo ay ku baadi goobeyso 79 caruur ah oo laga qafaashay iskuul ku qaal qeyb ka mid ah dalkaasi.

Rag hubeysan ayaa carruurtan ka qafaashay iskuulkan oo ku yaal Bamenda ee woqooyi galbeed dalkaasi.

Ardayda badbaaday ayaa ka hadlay qaabka ay kooxda afduubka gaysatay u baareen iskuulka oo ay u xusheen ilmaha ay qafaasheen.

Dowladda Cameroon ayaa afduubkaasi ku eedaysay jabhad doonaysa in gobolka Ingiriiska looga hadlo ee dalkaasi uu ka go’ dalka intiisa kale.

Jabhadda ayaa beenisay inay afduubka geysatay.

Baraha Bulshada ee Cameroon ayaa waxaa lagu faafiyay muuqaal la rumaysan yahay in mid ka mid ah afduubayaasha uu ka duubay carruurta.

Waxa ay carruurtu ku dhawaaqayaan, waxaa laga watay iskuulka wiilasha ee Amba, mana ogi halka aan lku suganahay.

Kooxaha gooni u goosadka ah ayaa sanadkan sare u qaaday weerarrada ay ka geysanayaanb gobolkaasi, oo shacabkiisa ay ku eedeeyaan dowladda inay six un ula dhaqanto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here