Axmed Madoobe oo kulan degdeg ah isugu yeeray Wasiirada Amniga iyo Taliyeyaasha dowlad goboleedyada

0
777

Axmed Madoobe oo kulan degdeg ah isugu yeeray Wasiirada Amniga iyo Taliyeyaasha dowlad goboleedyada

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku dhawaaqay kulan degdeg ah oo ay yeelanayaan Wasiirada Amniga iyo Taliyeyaasha Ciidamada dowlad goboleedyada oo ka dhici doona magaalada Kismaayo.

Shirkan ayaa daba socda shirkii lagu qabtay magaalada Garowe ee ay yeesheen afarta Maamul goboleed ee Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

Ujeedka Shirka ayaa ah sidii loo diyaarin lahaa qorshaha Ciidamada isku dhafka ah ee ay sameysanayaan maamul goboleedyada.

Axmed Madoobe oo shir jaraaโ€™id ku qabtay magaalada Kismaayo oo uu shalay dib ugu laabtay ayaa sheegay in qorshaha Shirka Kismaayo uu yahay dardar gelinta howlagada ka dhanka ah Al-Shabaabka ku sugan deegaanada dowlad goboleedyada.

Maamul Goboleedyada afarta ah Puntland, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland ayaa shirkii Garowe waxay isku raaceen inay sameystaan Ciidan isku dhaf ah, taasoo dhabar jab ku ah qorshaha isku dhafka Ciidamada Qaran ee ay hormuudka u aheyd dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here