Digniin.. Geerida oo Ku Sii Siqaysa Dhalinyarada

0
1090

Digniin.. Geerida oo Ku Sii Siqaysa Dhalinyarada

Sanooyinkii dambe, waxaa lagu baraarugay in cudurrada sida; buurnida, sonkorowga, dhiigkarka, ay badiyaan fursadaha in qofka uu ku dhaco Heart-attack(wadne xanuunka dilaaga ah), hadaba; daraasad cusub oo la sameeyay ayaa dibadda soo dhigtay xaqiiqo aad u qaaraar oo dhalinyarada digniin adag siineysa.

Daraasaddan ayaa tilmaameysa in dad badan ay qabaan cudurrada wadnaha iyagoo weli dhalinyaro ah.

Dhakhtarka cardiologist ku takhasusay ee Samir Kabadia oo ah qofkii daraasaddan soo diyaariyay, ayaa soo saaray natiijada, kadib markii uu dhinaandhirin ku sameeyay waxyaabaha keena khatarta cudurrada wadanaha, waxa uu eegay xogaha dad ku dhaw 4000 oo bukaan oo isbitaalka California lagaga daaweeyay noocyada ugu khatarta badan Heart-attacks(wadne xanuun) dilaaga ah oo muddo labaantan sano ah la uruurinayay, laga soo bilaabo 1995 ilaa 2014.

Xogta la uruuriyay ayaa muujineysa in bukaanka noocaa khatarta ah ee wadna xanuunka ah qaba ay ahaayeen dad da’yar, sidaas oo kale; waxey khatar ugu jiraan, waxyaabo laga dhowrsan karo oo laga hortagi karo, dhiigkarka iyo cudurka sonkorowga, sidaas oo kale; waxey ahaayeen dad sigaar cabbista u janjeera, laakiin isbedel wanaagsan oo dhab ah aan noloshooda sameyn, si ay u xadeeyaan khatarta ku soo waajahan.

Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee natiijada daraasaddan laga soo saaray waxaa ka mid ahaa, in dadka qaba cudurrada wadnaha uu cimrigoodu soo gaabto 4 sano sida caadiga ah 64-60, arrintaasina waxaa laga ogaaday 5-tii sano ee daraasadani ay socotay, waxaa la arkay in dadka cudurrada wadnaha qabay ay buurnidu ku kororto saami gaarsiisan 31 ilaa 40%, halka heerka cudurka sonkorowga uu ku kordho ay gaarsiisan tahay (24 ilaa 31%), heerka inuu dhiigkar uu ku dhufto uu gaarsiisan yahay 55-77% iyo iney sambabuhu awdmaan waxey gaarsiisan tahay (5-12%).

Halka daraasaddan ay daahrogtay in cudurrada wadanaha ay kordhiyeen heerka sigaar cabbista 28 ilaa 46%, waana arrin ka soo horjeeda, hiigsiga  Mareykanka oo 20-kii sano ee la soo dhaafay lagu dadaalayay in dadku ay ka go’aan sigaar cabbista.

Daraasaddana ayaa lagu soo koobay in aaney suuraggal ahayn in wax laga qabto cimriga iyo taariikhda qoyska ee dhanka cudurada wadnaha, laakiin waxaa la sameyn karo ayaa ah in isbedel lagu sameeyo nolosha, sida; in sigaar cabbista la iska joojiyo, cunno caafimaad la qaato, shaqada jirka laga qabanaya la kordhiyo, arrimahaas oo wanaajineya qofka caafimaadkiisa khatarro badan uu kaga badbaadi karo.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here