DEG DEG : Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Guddiga dib u dhiska Waddooyinka

0
589

DEG DEG : Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Guddiga dib u dhiska Waddooyinka

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa doortay Guddoomiyaha cusub ee Guddiga dib u dhiska Waddooyinka Muqdisho, kaddib markii uu is casilay Guddoomiyihii hore.

Kulan ka dhacay xarunta Rugta Ganacsiga oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa Cod gacan taag ah waxay ku doorteen Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Dib u dhiska Farxaan Xuseen xeydar, halka  Labo Guddoomiye kuxigeen loo kala doortay Maxamuud Cumar Caddaan iyo Abshir M Culusow.

akhriso War saxaafadeedka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here