Wasiirada Arrimaha Dibbada Itoobiya iyo Eritrea oo soo gaaray Muqdisho

0
605

Wasiirada Arrimaha Dibbada Itoobiya iyo Eritrea oo soo gaaray Muqdisho

Wasiirada Arrimaha Dibbada Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Eritrea Cusmaan Saalax ayaa ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay wasiiro ka tirsan dowlada federalka Soomaaliya iyadoo loo gelbiyay Madaxtooyadda dalka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in wafdigan ay kula yeelan doonaan magaalada Muqdisho kulan heer wasiiro arrimo dibadeed ah.

Madaxda dalalka Itoobiya,Eritrea iyo Soomaaliya ayaa la rajeynayaa inay kulan heer Madaxweyne ay ku yeeshaan caasimada dalka ee Muqdisho.

Ammaanka Magalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay,waxana xiran inta badan Wadooyinka Waaweyn ee Magalada Muqdisho,waxana wafdigaan la kulmi doonaan Madaxda Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here