Dowlada Itoobiya oo markii ugu horeysay ay qof dumar ah ka noqotay Wasiirka Gaashaandhigga

0
1025

Dowlada Itoobiya oo markii ugu horeysay ay qof dumar ah ka noqotay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Dr. Abiy Axmed ayaa magacaabay Gole wasiir oo ka kooban 20 Wasaaradood kadib markii marlabaad ay u doorteen dhowaan inuu xilka hayo Golaha Dhexe ee Xisbiga EPRDF.

Golahan Wasiir ee cusub ayaa in ku dhow kala bar waxa ay yihiin dumar waxaana ka mid wasiirka gaashaandhigga oo loo magacaabay qof dumar ah markii ugu horeysay. Sidoo kale wasiirada xilal muhiim ah loo dhiibay ayaa ka mid ah kuwa ka soo jeeda Ismaamulka Soomaalida.

Halkan hoose ka aqriso golaha wasiirada cusub ee dalka Ethiopia.

1- Wasiirka Nabadda — Mrs Mulietat Kamil
2- Wasiirka Gaashaandhigga —Aaliha Muhammad
3- Wasiirka Maaliyadda — Ahmed Shide
4- Wasiirka Arrimaha Dibadda — Dr. Geeljeex
5- Wasiirka Beeraha Mudane Cumar Xuseen
6. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha – Mrs. Fetel Walte
7. Wasiirka Dhaqaalaha —– Mrs. Dawanne Herbie
8.Wasaaradda Waxbarashada iyo Tiknoolajiyadda — Dr. Getahun Mekuria
9- Wasiirka Gaadiidka —— Mrs. Dagmominthew Patrick
10- Wasiirka Horumarinta & dhismaha magaalooyinka —– Mr. Janet Braye
11- Biyaha, waraabka iyo warshadaha tamarta —– Sileshi Bekele
12- Wasiirka Waxbarashada —— Dr. Tilaye Gete
13- Wasiirka Macdanta iyo Tamarta —— Dr. Samuel Hurco
14- Sarkaalka Golaha Guud —– Berhanu Tsegaye
15- Wasiirka Caafimaadka—— Dr. Amir Aman
16- Sayniska iyo Waxbarashada Sare: Mr. Hirut Woldemamar
17- Wasiirka Haweenka, Carruurta iyo Dhalinyarada, Mrs. Woizam Taye Asfaw
18- Wasiirka Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada Mr. Mulugeta Tesfaye
19- Wasiirka Dhaqanka Mudane—- Dr. Hirut Kassa
20- Guddoomiyaha Guddiga Qorsheynta iyo Horumarinta ——– Dr. Fitsem Assefa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here