Cilmiga oo Daahrogay Sababta ay Dumarku Uga Cimirdheer Yihiin Ragga

0
837

Cilmiga oo Daahrogay Sababta ay Dumarku Uga Cimirdheer Yihiin Ragga

Tirakoobyada la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dumarka dhammaan daafaha kala duwan ee dunida ay ragga ka cimi-dheer yihiin, sabab ay daahrogeen khubaro ka tirsan jaamacadda California,ee dalka Mareykanka ka dhisan.

Khubaradan ayaa sheegay in sababta cimirdhererka dumarku uu yahay iney leeyihiin hormoonka Estrogen oo unugyada jirka ka ilaaliya duqowga.  hormoonkan la’aantii uguyadu inta ay duqoobaan ayay dhintaan.

Sida ay sheegayaan khubaradani jirka aadanaha ayaa gabooba cimiri gaabnimada iyo baaba’a ku dhaca Telomere-ka oo laga helo qaar ka mid ah astaamaha dhaxalka qofka, kaas oo ku yaalla hareeraha Chromosome-ka unugyada.

Saynisyahannadi waxey caddeeyeen in Telomere raggu ay ka hor duqoobaan kan dumarka, maxaa yeelay; hormoonka  Estrogen-ka ee dumarka ayaa Telomere-ka cimiriga u dheeraysiiya, arrintan ayaana keenaysa in marwalba ay dumarku ragga ka cimiri-dheeraadaan.

Sidaas oo kale, marka hormoonka Estrogen uu jirka ku badan yahay, waxa uu ilaaliyaa wadnaha iyo xidida dhiigga, koritaanka lafahana wuu xoojiyaa.

Saynisyahannadan waxey sheegeen iney jiraan arrimo kale oo ragga cimridegdegga u keena oo ay ka mid yihiin alcoholka iyo sigaarka.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here