Yaa Ku Horreeya Garashada Tilmaanta Waddooyinka Ragga Iyo Dumarka (Daraasad)

0
1019

Yaa Ku Horreeya Garashada Tilmaanta Waddooyinka Ragga Iyo Dumarka (Daraasad)

Khubaro Ingiriis iyo Ruush iskugu jira oo si wadajir ah u sameeyay daraasad si ay u ogaadaan awoodaha garashada waddooyinka iyo tilmaanta goobaha furan cidda ku wanaagsan ragga iyo dumarka.

Cilmi-baaristan waxaa ka qeybgalay 3-kun oo qof oo da’doodu u dhaxayso 19-20 jir, oo su’aalo toos ah laga weydiiyay Internet-ka laguna tijaabinayay fikirkooda (Mechanical thinking) oo xiriir la leh, aragga, fahamka waqica iyo garashada tilmaanta waddooinka saxda ah ee goobaha furan.

Natiijadii tijaabadan ka soo baxday ayaa muujineysa in raggu ay celcelis ahaan ka sarreeyaan dumarka heer gaarsiisan 16%, garashada waddooyinka iyo goobaha furan.

Professor ka Tomsk University ee dalka Ruushka iyo Jaamacadda Goldsmith ee UK, Yulia Kovas, ayaa waxey tiri: “Cilmi-baaris waxey xoojineysaa mar kale, kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka, sida daraasado ka horreeyay oo kale, raggu iyagaa ugu horreeyay garashada waddooyinka iyo goobaha furan ee leh barxadaha waaweyn. laakiin si guud awoodaha garasho ee ragga iyo dumarku kuma kala sarreeyaan.”

Khubaradu waxey isku dayeen iney fahmaan sababta raggu ugu wanaagsan yihiin xifaradda garashada waddooyinka, ma aaney helin sabab goonni ah oo dhanka xubnaha jirka ama mid hormoon ku saabsan oo mowduucan xiriir la leh.

Khubaradan waxey arrimaha ka soo dhiraandhiryeen in garashada waddooyinka ee ragga iyo dumarka ay horumar sameeyasy sabab dhanka taariikhda aadanaha khusaysa, saameynta deegaan, iyo dhaqanka bulshada, raggu iyagaa u xilsaarnaa ugaarsiga, arrintaas ayaa keentay iney yeeshaan awoodo gaar ah marka ay aadayaan goobaha furan.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here