Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Qatar oo Muqdisho yimid

0
742

Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Qatar oo Muqdisho yimid

Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Qatar ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyagoo kulamo la leh Madaxda  Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka xoogga dalka.

Sida ay sheegayaan wararka Wafdigan ayaa markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho loo galbiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Lama oga xubnaha wafdiga ka kooban yihiin iyo cida hoggaamineysa, iyadoo ammaankooda si aad ah loo adkeeyay.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladaha taageera dowladda Soomaaliya, waxaa horay Muqdisho u yimid wafuud kala duwan, iyadoo horay Qatar balan-qaaday mashaariic kala duwan oo aan weli la fulin.
Tan iyo markii dowladda Soomaaliya mowqif dhex dhexaad ka qaadatay Khilaafka Khaliijka, hadana dowladda Soomaaliya ayaa loo arkayay mid u dhowaaneysa dhanka Qatar, waxaana siyaasiyiin badan ku dhaliileen in dhex dhexaadnimada ka baxday, isla markaana la jirsatay Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here