RASMI : Kadib Sajid Khan, Ruug cadaa Nana Patekar oo laga saaray filimka Housefull 4!!

0
1086

RASMI : Kadib Sajid Khan, Ruug cadaa Nana Patekar oo laga saaray filimka Housefull 4!!

20-maalmood ka hor atirishada Tanushree Dutta ayaa Bollywood-ka xasarad aan dhamaad laheyn ka kicisay waxayna ku eedeesay ruug cadaa Nana Patekar inuu anshax xumo kula dhaqmay 10-sano ka hor xili ay filimka Horn Ok Pleasss asigoo taab taabsaday sidoo kalena Director-ka filimkan ku qasbay in la diyaariyo muuqaal isku soo dhawaanasho oo ay Tanushree Dutta wadaagaan!

Arinkii ay Tanushree Dutta banaanka soo dhigtay waxay sii dhiiri galisay atirishooyin badan oo aan awood laheyn oo horey loo dulmiyay inay banaanka usoo baxaan lana hadlaan barnaamijka Me Too Movement ee haweenka ku dhiiri galinaayo tacadiyada jinsiga ku saleesan ee loo geestay inaysan qarsanin.

Haatan war deg deg ah oo ay shabakada Filimside heshay ayaa lagu xaqiijiyay in ruug cadaa Nana Patekar isaga baxay filimka weyn Housefull 4 madaama u cadaadis kaga yimid saxaafada iyo xitaa hogaamiyaha filimkan Akshay Kumar oo dalbaday in mashruucaan laga saaro qof walbo oo loo heesto inuu dumarka gabood fal ku sameeyay.

Maalintii shalay ahayd Director Sajid Khan ayaa isaga baxay filimka Housefull 4 kadib markii lagu soo eedeeyay inuu labo atirisho oo aan fanka magac ku laheyn ku xad gudbay kana faa’iideestay awoodiisa inuu xad gudub dhanka jinsiga ah ku sameeyo.

Akshay Kumar, Bobby Deol iyo Retiesh Deshmukh hogaamiyaasha Housefull 4 waxay soo saare Sajid Nadiadwala ka dalbadeen in mashruucaan shaqadiisa la hakiyo lagana saaro qof walbo oo eedeysane ah loona heesto inu dumarka tacadi u geestay sidaa darteed Sajid Khan iyo Nana Patekar waa laga saaray filimkan weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here