Ciidamada NISA oo Garoonka Muqdisho ku qabtay Shabakad ka shaqeysa dhaqida dollarka madow

0
665

Ciidamada NISA oo Garoonka Muqdisho ku qabtay Shabakad ka shaqeysa dhaqida dollarka madow

Ciidamada Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku qabtay shabakad ka shaqeysa fal dambiyeedka lacag dhaqida dollarka madow iyo sameynta dollar been abuur ah.

Sida lagu qoray barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in labo ka mid ah kooxdaas gacanta lagu haayo, laguna daba jiro kuwa kale

Waxaa kaloo Hey’addu sheegtay in Mudane ka tirsan Baarlamaanka Federaalka uu u sahlay shabakadaas gudbinta garoonka, isla markaana galka baarista ee Shabadda uu arrintan u gudbinayo hey’adaha sharciga ee ku shaqada leh, si tallaabo looga qaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa fal dambiyeed u aqoonsatay lacag dhaqida, iyadoo Bishii February ee sanadkii 2016 uu saxiixay sharciga lacag dhaqida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib markii uu Baarlamaankii 9aad uu ansixiyay sharcigaas bishii December ee sanadkii 2015, waxaana sharcigaas uu qaatay muddo sanad ah oo ay ku howlanaayeen Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Maaliyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here