Cun (6) Ukumood Isbuucii Si Aad u Hesho Cimri-dherer

0
1023

Cun (6) Ukumood Isbuucii Si Aad u Hesho Cimri-dherer

Qofku waxa uu awoodaa inuu ka dhowrsado geeri xilli hore ah hal-waddo wax ka badan, laakiin daraasadka la sameeyay ayaa tilmaamaya waddo cimriga lagu kordhin karo oo geerida xilliga hore iyo cimirdegdegga looga fogaan karo, iyadoo la garab wado sportska oo la ciyaaro iyo sigaarka cibbista oo laga fogaado. waa waddo sahlan waana in ukunta la cuno, su’aasha is-weydiinta leh ayaa ah imisa ukumood ayaa loo baahan yahay si cimri-dherer loo helo?

Sida ay sheegeen labada khabiir ee dhanka cunnada Juliet Kilo iyo Sarah Drur, ayaa sheegay in 6 ukumood isbuucii si cimri-dherer looga helo, aragga loo xoojiyo oo murqaha iyo lafaha loo adkeeyo.

labadan khabiir ayaa sheegay in ukunta laga helo dheef badan, waa muhiim, aragga, caafimaadka iyo caqliga, maadaama laga helo vitamin B12 iyo vitamin A.

Ku darso, ukuntu lafaha ayay xoojisaa, miisaanka ayay hoos u dhigtaa, waa sida ay qortay jariidada Daily Express ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Labadan khabiir waxey qoreen buug la yiraahdo: “Raashin fiican cun oo nolol dheer ku naaloo: baro baahiyaha jirkaaga, caafimaadkana ilaasho”, ukunta waxaa laga helaa maaddooyin cunno oo farabadan, waxey si guud xiriir ula leh caafimaadka iyo ka hortagga cudurrada.

Waxey tilmaameen in saameynta wanaagsan ee ukuntu leedahay ay tahay in miisaanka lagu dhimo, xasuustana iyo lafaha lagu ilaashado, ukuntu waxey ka dhigan tahay waa raashin Brotin ah oo aad u fiicana, marka lagu daro cunnooyinka kale ee maalin laha ah.

In kasta oo ay jirto in ay kalastarool leedahay, ayaa hadana cilmi-baarisyadu ay sheegayaan in kolostarool raashinka ay saameyntiisa tabani ay kooban tahay, khatarta cudurrada wadanaha ay yar tahay.

Ukunta waxaa la socda khudaarta maalin laha ah iyo in sports-ka la ciyaaro si nidaamsan iyo heer gaarsiisan 150 daqiiqo isbuucii.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here