Macalimiin Kenyan ah oo lagu dilay duleedka Mandhera

0
685

Macalimiin Kenyan ah oo lagu dilay duleedka Mandhera

Wararka ka imaanaya magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in labo Macalin Kenyan ah lagu dilay deegaanka Arabiya oo u dhow xuduudka Soomaaliya.

Dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar loo adeegsaday waxyaabaha qarxa ku weeraray guri ay degenaayeen Macalimiintan.

Afhayeenka Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in howlgal ciidankooda qaadeen ku dileen labo macalin Kenyan ah oo aan Muslim aheyn.

Meydadka labada macalin ayaa laga soo bixiyay dhismaha ay gebi ahaan gubtay, kana muuqday dab ka dhashay qaraxii lagu weeraray.

Ciidamada Milateriga Kenya ayaa sheegay in howlgalo ka wadaan agagaarka Mandhera iyo xuduudka, ayna ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyay dilka Macalimiinta.

Al-Shabaab ayaa sanadihii u dambeeyay weeraro ka fulinayay Gobolka Waqooyi Bari Kenya, iyagoo ku bartilmaameedsanayay Ciidamada iyo dadka Kenyan ee aan Muslimka aheyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here