Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacudi Carabiya

0
853

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacudi Carabiya

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali khayre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga Adel bin Ahmed Al-Jubeir.

Kulanka oo ka dhacay qasriga ra’iisul wasaaruhu ka deganyahay magaalada Riyaad ayaa horudhac u ahaa kulan uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu la yeelanayo  madaxda sare ee  boqortooyada Saudi Arabia.

Kulanka ay wada qaaateen ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaaa goob joog ka ahaa Wasiirrada arrimaha dibada Axmed Ciisa Cawad iyo Wasiirka Warfaafinta xukuummadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maanta ku tegey booqasho rasmi ah magaalada Riyad ee xarunta boqortooyada  Sacudi Carabiya kadib markii uu martiqaad ka helay madaxda dalkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here