Britain Iyo Sucuudiga Oo Xaaladoodu Sii Xumaanayso Kadib Arrinkii Khashogg

0
657

Britain Iyo Sucuudiga Oo Xaaladoodu Sii Xumaanayso Kadib Arrinkii Khashogg

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain, Jeremy Hunt, ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Sacuudiga Caadil al-jubeyr si u ugu gudbiyo fariin adag.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee Britain ayaa sheegay in Hunt u ku nuuxnuuxsaday in wararka ay saxaafadu sheegayso ee ku aadan kiiska weriye Khashoggi haddii ay noqdan kuwa sax ah, ay UK walaac xooggan ka muujinayso arinkaasi.

Hunt ayaa ugu baaqay dowladda Sacuudiga inay si buuxda uga qeyb qaadato baaritanka ay kiiska ku sameynayaan saraakisha Turkiga, sidoo kalena macluumaad dheeraad ay bixiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Britain ayaa sida muuqata u sheegtay Sacuudiga in looga baahan yahay inay xaqiijiyaan in Mr Khashoggi u noolyahay, sida ugu wanaagsan ay sidaas ku samayn karaan ay tahay in u kasoo muuqda telefishanka.

Saraakisha Turkiga ayaa rumaysan in qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul lagu dhex dilay, shaqaalaha qunsuliyada ayaa arrinka beeninaya waxayna sheegeen in Mr Khashoggi u dhismaha ka baxay isagoo nabad qaba.

Dhanka kale, mar ay wariyeyaashu la hadlayeen ayaa afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka Heather Nauert, waxay sheegtay in xukuumadda Washington ay sidoo kale jawaabo ku aaddan waxa ku dhacay saxafigan caanka ah ka sugayso dowladda Sacuudiga.

Haddii taasi ay dhici waydo waxaa cad in Britain iyo xulafadeeda ay go’aan ku gaari doonaan in boqortooyadda Sacuudigga ay ku dhaqaaqday talaabo aan la aqbali karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here