Al-Shabaab Oo Goob Fagaaro Ah Ku Toogtay Shan Ruux

0
719

Al-Shabaab Oo Goob Fagaaro Ah Ku Toogtay Shan Ruux

Gelinkii dambe ee Shalay ayaa Al-Shabaab waxa ay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ku toogteen Shan ruux oo ay ku eedeyeen inay sirdoon u ahaayeen wadamada Reer Galbeedka.

Shanta ruux oo dhammaantood rag ahaa ayaa waxaa lagu eedeeyay inay u Shaqeyn jireen dalalka ingiriiska,Mareykanka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Muxamed Cabdillaahi Cawil oo da’diisa lagu sheegay 35 Sano jir,Cabdicasiis Cabdi Salaam Sheekh Xasan oo 22 sana jir ahaa, Cabduqaadir Isxaaq Amiin,Maxamed Cabdullaahi Cawil oo 35 sana jir ah iyo Jeyllaani Cabdullaahi Nuur oo 36 sana jir ahaa.

Al-Shabaab ayaa horay sidan oo kale waxa ay toogasho ugu fuliyeen dad ay ku eedeeyeen inay la Shaqeynayeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wadamada Reer Galbeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here