4 Waddo oo Ragga Xishoodka Badan Ay Ku Sheegan Karaan Jacaylkooda

0
1456

4 Waddo oo Ragga Xishoodka Badan Ay Ku Sheegan Karaan Jacaylkooda

Xishoodku waa astaan ay rag badani ka baadi goobaan dumarka ay doonayaan iney guursadaan, waa astaan jileec iyo dumarnimo  muujineysa, in kasta oo ay ka mid tahay tilmaamaha wanaagsan, ayaa hadana waxey ku fiican tahay iney dhanka dumarka u badan tahay, maxaa yeelay; inta badan ragga khajilaadda badan dumarku kama helaan, rag badani waxey dhibaato kala kulmaan iney jacaylkooda u sheegtaan qofkii ay jeclaadeen.

Sida uu qoray website-ka “Mensxp“, haddii aad ka mid tahay ragga xishoodka badan, waxaa laguu soo gudbinayaa waddo aad xishoodka ku jabin karto, jacaylkaagana aad ugu sheegan karto qofka aad ka heshay ee aad mustaqbalka ka dooneyso.

Ninka Xishoodka badan

Dumarku sida badan kama helaan ragga xishoodka badan, waxey raadiyaan nin rag ah oo isagu ku-dhac leh oo xiriirka albaabada u fura, sidaa darteed; haddii aad dooneyso in xiriirka jaceylkaaga uu noqdo mid mirodhal noqda, waxaa waajib ah inaad kalsoonidaada xoojiso oo aad ka shaqeyso sidii aad khajilka ku jabin lahayd.

Inta aadan jacaylkaaga sheegan ka hor si wanaagsan u fakar, wadada saxda ah ayaa kuu damaanad qaadaysa in jacaylka lagula qaado. hadaba, waxaa jira 5-waddo oo faa’iido leh oo jacaylka loogu sheegan karo qofka dumarka ah.

(1) Ku fakar in ninka xishood badan aan la jeclayn

In qofku uu khajilaad dareemo waa calaamad ku tusineysa kalsooni darro, isku day inaad kalsooni buuxda muujiso markaad hortagto qofka dumarka ah.

(2) Xiriirka Indhaha

Haddii gabadha aad mustaqbalka ka dooneysaa ku horfadhido isku day inaad indhaha kala xiriirto, hadalku wuu fudud yahay marka loo eego xiriirka indhaha oo aad ugu adag dadka khajilaadda badan, sidaa darteed isku day inaad naftaada ku layliso xiriirka indhaha.

(3) U Dhoolla caddee

Dhoolla caddeyntu waa waddo kale oo dadka lagu soo jiito, laguna dareensii inaad rabto, adigoo u dhoollacaddeynaya, gaar ahaan marka aad indhaheeda eegayso, arrintaasi waxey muujineysaa inaad dooneyso inaad la hadasho.

(4) Ka Ag-dhawow

Marka aad luqadda jirkeeda ka dareento iney ku dooneyso, xilligaasi waa marka ay ugu wanaagsan tahay inaad la hadasho, ha ka labalabeyn, dhankeeda aad adigoon wax baqdin ah ka qabin xaaladda aad la kulmi karto, markaa tallaabada ugu muhiimsan waa inaad jacaylkaaga qirato.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here