Maxkamada ciidamada oo Xukun ku riday rag katirsanaa Al Shabaab

0
703

Maxkamada ciidamada oo Xukun ku riday rag katirsanaa Al Shabaab

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa xukuno xabsi ah ku riday labo nin oo lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin kooxda Al Shabaab gaar ahaan Amniyaadka dilalka fuliya.

Maxamed Cabdi Salaad Nuur iyo Gacal Maxamed Cali Maxamed ayaa Maxkamada ciidamada sheegtay in laga soo qabtay degmooyinka Cabdicasiis iyo Warta Nabada, waxa ayna Maxkamada sheegtay in labadan nin xubno ka yihiin Amniyaadka Shabaab.

Eedeysane Maxamed Cabdi Salaad Nuur ayaa Alshabaab kaga biiray gobalka Shabeelaha Dhexe sanadii 2015 gaar ahaan halka loo yaqaano Gamboole, waxaana Maxkamada sheegtay in ninkan loo soo wareejiyay Muqdisho uu u qaabilsanaa qeybta indho indheynta goobaha la rabo in la weeraro .

Maxkamada ayaa sidoo kale eedeesane Gacal Maxamed Cali Maxamed in ay saaxiibo ahaayeen eedeesanaha kale ayna kawada tirsanaayeen amniyaadka Al Shabaab, waxa ayna Maxkamada ninkan sheegtay in uu isku qarin jiray shaqada timo jarida.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aamisay in labada eedeysane lagu kala xukumo
Maxamed Cabdi Salaad Nuur Sideed sano (8) oo xabsi ciidan ah halka eedeysana
Gacal Maxamed Cali Maxamed Sedax sano (3) oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeesanayaashan xukunka xabsiga ah lagu riday ayaa waxa ay heestaan fursad labaad oo racfaan ay uga qaadan karaan xukunada kala duwan ee xabsiga ah ee Maxkamada ciidamada ku tiday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here