Sucuudiga oo ogolaaday in weriye la waayay laga raadiyo qunsuliyaddiisa Istaanbuul

0
722

Sucuudiga oo ogolaaday in weriye la waayay laga raadiyo qunsuliyaddiisa Istaanbuul

Dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in dowladdiisu ay ogoshahay in baaritaan lagu sameeyo gudaha qunsuliyadda ay ku leeyihiin magaalada Istaanbuul ee dalka Turkiga, si loo baadi goobo weriye u dhashay dalkaasi Sucuudiga oo la sheegay in markii ugu dambeysay uu ku sugnaa qunsuliyaddaasi.

Wareysi uu siiyay Bloomberg ayaa Maxamed Bin Salmaan waxa uu ku sheegay in dowladiisu ay Turkiga u ogoshahay in dhismaha qunsuliyadda ay ka raadiso Jamaal Khashoggi oo talaadadii la soo dhaafay booqday qunsuliyaddaasi balse wixii intaasi ka dambeeyay aanan melena lagu arag.

Maxamed bin Salmaan, ayaanan toos uga jawaabin su’aal ahayd in wax dacwad ah ay dowladdiisa u haysato weriyahaasi.

Suxufigan Sacuudiga u dhashay ayaa caan ku ah dhaliisha siyaasadaha dowladda dalkiisa.

Jamaal Khashoggi, oo sidoo kalena wax ku qora wargayska Washington Post, qunsuliyadda u tegey si uu “warqado u buuxbuuxiyo” ayuu warhaysku yiri, wixii markaas ka dambeeyeyna warkiisa lama maqlin.

Xaaskiisa oo la socotay markii uu qunsuliyadda tagayey ayaan loo ogolaan in ay gudaha u gasho. Sida uu nidaamku yahay, Khashoggi waxaa laga qaaday telefoonkiisa gacanta – arrintaasoo qayb ka ah nidaam caadi ah oo la maro marka la galayo qunsuliyadaha iyo safaaradaha.

sucuudiLahaanshaha sawirkaAFP

Wargeyskaasi ayaa maanta soo saaray daabacaaddiisa maanta iyada oo uu maran yahay boggii uu suxufigan wax ku qori jiray

Jahawareer ayaa ka dhashay Arbacadii halka uu ku dambeeyo, ayadoo sarkaal Sacuudi ah uu u sheegay wakaaladda Reuters in wararka shegay inla la’ yahay Khashoggi ay yihiin kuwo aysan waxba ka jirin, uuna qunsuliyadda ka baxay in yar ka dib markii uu yimid.

Xaaskiisa oo dhismaha dibadiisa joogtay aya arrintaas ku gacan sayrtay, waxayna sheegtay in aysan jirin cid aragtay.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Khashoggi uu gudaha dhismaha ku jiray, saraakiisha Turkigana ay xiriir la samaynayeen dhigooda Sacuudiga ayagoo xaaladda kala hadlayey.

Khashoggi ayaa musaafuris iskiis ah ugu noolaa Maraykanka, wuxuuna ahaa qof aad u dhaleeceeya xukuumadda Sacuudiga, gaar ahaan qorshayaasha isbeddelada ee uu horkacayo amiirka dhaxalka leh, Maxamed Bin Salmaan.

weriyeLahaanshaha sawirkaAFP

Khashoggi oo hore u ahaa tifaftiraha wargayska Al-Watan iyo TV muddo kooban jiray, ayaa wuxuu sidoo kale ka qayb qaadan jiray barnaamijyada BBC ee looga hadlo arrimaha Sacuudiga iyo bariga dhexe.

Waxaa jiray wakhtiyo uu la taliye u ahaa qoyska boqortooyada ee Sacuudiga, muddo dheerna waxaa loo arkayey qof arrimaha hoose u dhuun daloola, ilaa iyo intii uu ka tegey sannad ka hor, xilli ugaarsi badan oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda uu jiray.

Waxaa kale oo la ogsoon yahay in uu xiriir aad u dhow la lahaa Cusaama Bil Laden, kaasoo uu wakhtiyo badan ula safray Afganistan, sannadihii 1980-meeyadii, intii uu Soofiyeetku dalkaas ku jiray, walow uu markii dambe si cad u diiday fikradihii Bin Laden, ayna kala hareen muddo dheer ka hor weerarradii 2001 lagu qaaday Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here