Madaxa booliska caalamiga ah ee Interpol oo la waayay

0
739

Madaxa booliska caalamiga ah ee Interpol oo la waayay

Madaxa booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa la waayay xilli uu ku sugnaa dalka Shiinaha, wararka qaar waxay sheegayaan in xabsiga loo taxaabay markii uu ka degay garoon ku yaalla dalkaasi.

Meng Hongwei ayaa loo magacaabay madaxa booliska caalamiga ah ee u fadhigeedu yahay dalka Faransiiska labo sanno ka hor taaso muran badan dhalisay.

Xaaskiisa ayaa ku wargelisay booliska magaalada Lyon markii wax war ah ka weyday socdaal uu ku tegay Shiinaha bishii hore dabaqaayadeedii ka dib.

Warbaahinta qaarkeed ayaa sheegtay in loo qabtay si su’aalo loo waydiiyo waxayna sheegeen inay qabatay laanta anshaxa ee Shiinuhu. Taas oo ah magac gaar ah oo ay leedahay waaxda baaritaanka ee xisbiga shuuciga ah ee talada dalkaasi haya.

 

Nin lagu tuhansan yahay inuu dadka tahriibiyo oo dowladda Soomaaliya loo gacan galiyay

Warbixinta ay soo saartay Interpol ayaa lagu sheegay arrinta murugsan ee Meng Hongwei ay tahay mid walaaceeda leh oo ay doonayaan inay wax ka qabtaan cidda ay khusayso oo ah dawladaha Shiinaha iyo Faransiiska.

Arin cusub maaha in qof magac leh oo xil wayn haya la waayo isaga oo Shiinaha jooga, toddobaadkii lasoo dhaafay ayaa jilaaga ugu caansan dalkaas oo la yiraahdo Fan Bingbing lagu helay dambi ah musuq cashuur bixin la’aan ah ka dib markii la la’aa muddo saddex bilood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here