Qarax miino oo Ciidamo AMISOM lagula eegtay agagaarka Warshadda Baastada

0
635

Qarax miino oo Ciidamo AMISOM lagula eegtay agagaarka Warshadda Baastada

Qarax miino ayaa goor dhoweyd waxaa agagaarka Warshadda Baastada ee degmada Yaaqshiid lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miinada dhulka hoostiisa la geliyay ayaa la sheegay in lala beegsaday markii Ciidamada wadada marayeen.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ee gaaray Ciidanka AMISOM, sidoo kale waxaa la sheegayaa in dad shacab ah oo wadada marayay ay ku waxyeeloobeen.

Inta badan aagga Suuqa Xoolaha iyo Warshadda Baastada ayaa Ciidamada lagula eegtaa qaraxyo miino oo dhulka hoostiisa lagu aaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here