Dhaqdhaqaaq Mucaarid Oo Ka Dhan Ah Boqortooyada Sucuudiga Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Halka Lagaga Dhawaaqay Iyo Cida Ku Dhawaaqday + Taageero La Sheegay In Ay U Heelanyihiin

0
668

Dhaqdhaqaaq Mucaarid Oo Ka Dhan Ah Boqortooyada Sucuudiga Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Halka Lagaga Dhawaaqay Iyo Cida Ku Dhawaaqday + Taageero La Sheegay In Ay U Heelanyihiin

Aqoonyahan iyo qoraa Sacuudiyaan ah, oo si aad ah u dhaliila dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay dhismaha dhaqdhaqaaq mucaarad ah oo ka shaqeyn doona dalka dibeddiisa, sida uu qoray website-ka caanka ah ee Arabai21.

Marzouk Mashan al-Otaibi ayaa Dhaqdhaaqa Isku-keeniadda Qaranka kaga dhawaaqay gurigisia ku yaalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska, waxaana durba uu soo jiitay taageerada dad badan oo Sacuudiyaan ah oo aan ku qanacsaneyn dowladda hadda maamusha dalkaas.

Al-Otaibi waa qoraagii hore ee wargeysyada dalka Sacuudiga ee kala ah Makkah iyo Al-Sharq, wuxuuna sidoo kale macallin ka ahaa qeybta kimisteriga ee Jaamacadda King Saud University.

Bayaan uu soo saaray oo loogu talo-galay dadka Sacuudiga ayaa Al-Otaibi wuxuu ku yiri “Maamulka Al-Saud waa uu idin bahdilayaa, waa idin adoonsanayaa, waana idin ciqaabayaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here