Kathryn Mayorga Oo Dacwad Kufsi Ah Kusoo Oogtay Ciyaaryahanka Ronaldo Oo Sheegtay In Lacag 375 Kun Lasiiyay Si U Aamusto Laakiin…

0
556

Kathryn Mayorga Oo Dacwad Kufsi Ah Kusoo Oogtay Ciyaaryahanka Ronaldo Oo Sheegtay In Lacag 375 Kun Lasiiyay Si U Aamusto Laakiin…

 Booliiska magaalada Las Vegas ayaa laga furay dacwad tacaddi galmo la xidhiidha oo 2009-kii dhacday, ka dib markii ay sidaas codsatay haweenay sheegtay in uu kufsaday Cristiano Ronaldo.
Kathryn Mayorga ayaa sheegtay in iyada oo ku sugan huteel ku yaalla Maraykanka uu soo weeraray ciyaar yahankaas reer Boortaqiis.
Cristiano Ronaldo ayaa “war been ah” ku sheegay eedaynta ay soo jeedisay gabadha Maraykanka ah.
Ronaldo oo muuqaal soo dhigay Instagram-ka ayaa yiri “waxay rabaan in ay magac radsadaan iyaga oo magacayga adeegsanaya. Waana wax iska caadi ah.”Qareennada Ronaldo ayaa sheegay in ay dacwad ku soo oogi doonaan jariidadda Der Spiegel oo markii ugu horraysay tabisay warka eedaynta ah.
Jariidadda ayaa daabacday in Kathryn Mayorga ay sheegtay in Ronaldo oo 33 jir ah uu ku kufsaday huteel ku yaalla Las Vegas.
Mayorga oo 34 jir ah ayaa sheegtay in wax yar ka dib ay dacwad kufsi ka furtay booliiska Las Vegas, sidaadii ay arrintu u dhacdayba.
Sannadkii 2010kiina waxay sheegtay in ay gashay heshiis xeer jajab ah oo lagu siiyay 375,000 oo doolarka Maraykanka ah iyadoo arrintaas uu qayb ka ahaa Ronaldo, lagulana heshiiyay in aysan waligeed bulshada dhexdeeda ku soo hadal qaadin.
Qareenkeeda ayaa hadda isku dayaya in heshiiskaas uu noqdo mid aan waxba ka jirin.Booliiska Las Vegas ayaa xaqiijiyay in ay baaritaan ku sameeyeen cabasho loo soo gudbiyay sannadkii 2009kii, balse waxay intaas ku dareen in aysan haynin qof looga shakisan yahay.
“Wakhtigaas cabashada ayaa la diiwaan galiyay balse dhibanihii baarayaasha lama wadaagin goobta uu dhibku ka dhacay iyo sharaxaad ku saabsan toona” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo la soo saaray.
“Laga billaabo bishii Sebtembar ee sannadkan 2018 kiiskaas dib ayaa loo furay, baadhayaashanaduna waxay ku dabo jiraan xog la siiyay” ayaa intaas lagu daray.
Ronaldo ayaa kooxda Juventus ee Talyaaniga ka dhisan ku soo biiray sannadkan horraantiisii isaga oo Real Madrid laga soo siistay128 milyan oo doolar.
Ciyaaryahankan reer Boortaqiis ayaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaar yahannada ugu tunka wayn ee dunida soo mara waligeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here