W.Waxbarashada Somaliland oo Qabatay Shir Lagu Lafagurayay Xeer-nidaamiyaha Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay

0
832

W.Waxbarashada Somaliland oo Qabatay Shir Lagu Lafagurayay Xeer-nidaamiyaha Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay

Wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska Somaliland ayaa Arbacadii soo bandhigtay qabyo-qoraalka xeer-nidaamiyaha waxbarashadda gaarka loo leeyahay, kaasi oo laga soo dheegtay siyaasada waxbarashadda ee golaha wakiillada Somaliland ay ansixiyeen, isla markaana madaxweynaha somaliland dhaqan galiyey dhawaan, si loogu dhaqo waxbarashadda.

Shirkan oo lagu qabtay xarunta guud ee wasaarada waxbarashadda iyo sayniska ayaa waxa ka soo qaybgalay wasiirka wasaaradda waxbarashadda Prof Yaasiin X. Maxamuud Xiir, Wasiir ku-xigeenka waxbarashadda Cabdulqaadir Maxamuud Muxumed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Horumarinta Maaliyadda Maxamed Daahir Axmed, Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashadda Prof Maxamed Faarax Xareed, agaasime waaxeedyada wasaaradaasi iyo guud ahaan agaasime waaxeedyada kala duwan ee wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska.

Shirkaasi ayey madaxda wasaaradu ku soo bandhigeen qodobada uu xambaarsan yahay isla markaana waxa si mug leh la iskula lafagurey xeernidaamiyaha dugsiyada gaarka ah.

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ayaa shirkaasi ka hadalay waxaanu ka soo qaybgalayaasha u sheegay in aanu ahayn xeerkani mid lagu dabar-jarayo dugsiyada gaarka loo leeyahay, laakiin uu yahay mid lagu dhaqayo isla markaana tubta sharciga la waafajinayo waxbarashadda qaranka si loo soo saaro jiil ka dhisan xaga aqoonta iyo dhaqankaba. Sidoo kale xeerku wuxu difaaci doonaa xuquuqda waxbarashadda gaarka ah, waxa kale oo uu anshax-marin iyo ruqsad kala noqoshaba ku samayn doonaa cidii ku gefta marka uu noqdo xeer dhaqangal ah. Wasiirku waxa uu sheegay in aanu ahayn xeerkani mid ay iyagu iska mala-awaaleen laakiin uu yahay mid ay ka soo dheegteen siyaasada waxbarashadda qaranka.

Wasiir kuxigeenka waxabarashadda Cabdulqaadir Maxamuud Muxumed ayaa isaguna sheegay in shirkani yahay mid la iskula eegayo habkii iyo hanaankii lagu dhiqi lahaa dusiyada gaarka ah. Dhanka kale waxa uu wasiirku xusay sababta ay ugu soo casuumeen mulkiilayaasha iyo maamulayaasha dugsiyada gaarka ah, taasi oo uu ku macneeyey in ay doonayaan sidii xeerkani u noqon lahaa mid la wada leeyahay oo aanay dugsiyada gaarka ahi u arag mid lagu duudsiyayo xaqooda iyo xoriyadooda.

Wasiir kuxigeenka maaliyada Maxamed Daahir Axmed ayaa isaguna munaasibadaasi ka hadlay, waxaanu mulkiilayaasha kula dardaarmay in ay bixiyaan cashuurta xaqa loogu leeyahay si loo helo adeegyo iyo horumar balaadhan oo qaranku gaaro.

Gebagabadii shirkan ayaa lagu balamay in la isku soo noqdo maalinta Arbacada ee ay taariikhdu tahay 10/10/2018-ka si loo sii anbaqaado xeernidaamiyaha waxbarashadda gaarka ah.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here