MUQDISHO : Munaasabad Furitaan ah Oo Loo Sameyey Xisbiga uu hoggaaminayo Xasan Sheekh

0
754

MUQDISHO : Munaasabad Furitaan ah Oo Loo Sameyey Xisbiga uu hoggaaminayo Xasan Sheekh

Munaasabadda Daah furka Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) iyo caleema saarka Guddoomiyaha KMG ee Xisbigaas Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka socota Hoolka Sahal ee agagaarka Isgoyska KM4.

Bandhiggan ayaa ah dhoolatuskii ugu weynaa ee daah furka Xisbi mucaarad ah, iyadoo xisbigan ay ku mideysan yihiin xubno ka tirsan Baarlamaanka Labada Gole iyo Siyaasiyiin.

Munaasabadda ayaa toos uga socota baraha bulshada, iyadoo lagu soo bandhigayo suugaan, waxaa hoolka ka muuqda boorar ka turjumaya dhismaha Xisbiga iyo halku dhigyada uu u taagan yahay.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Senataro ka tirsan Aqalka Sare ayaa ka dhex muuqda munaasabadda daah furka Xisbiga, waxaa goor dhow hoolka gaaray Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Guddoomiyaha KMG ee Xisbiga.

Soomaaliya ayaa la filayaa inay u gudubto nidaamka axsaabta siyaasadda, iyadoo dhamaadka sanadkan ay ku eg tahay diiwaan gelinta Xisbiyada siyaasadda, sanadka soo socda 2019 ayaa la ogolaan doonin in xisbi la diiwaan geliyo, sidaas darteed 20-kii Xildhibaan ayaa laga doonayaa inay Xisbi ka mid noqdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here