Facebook oo Fadeexad Weyn Ay Soo Waajahday.. Maxkamad Mareykan Ah oo Soo Saartay Go’aan Ay Ugu Hiillineyso

0
707

Facebook oo Fadeexad Weyn Ay Soo Waajahday.. Maxkamad Mareykan Ah oo Soo Saartay Go’aan Ay Ugu Hiillineyso

Saacado kooban un kadib, markii shabakadda caanka ah ee Facebook ay ku dhawaaqday war lama filaan ku noqday dadka isticmaalo, ayaa maxkamad Mareykan ah ay ka soo saartay go’aan bartan bulshadu ku wada xiriirto.

Shirkadda Facebook ayaa Jimcihii shalay ku dhawaaqday in la jabsaday xisaabta 50-milyan oo qof, bayaan rasmi ah oo ay soo saartay shirkadda ayaa lagu sheegay, in enjineerrada shirkadda ay heleen September 25, galdalool ammaan oo saameyn ku yeelay 50 milyan oo qof oo xisaab uga furneyd barta.

Shirkaddu waxey intaa sii raacisay in baaritaannadu ay socdaan, lana filayo iney waqti qaadato, cid kasta oo ku lug yeelatana sharciga lala tiigsan doono.

Laakiin, Subaxnimadii hore ee saaka ayaa waxaa soo baxay go’aan barta loogu hiillinayo, maxkamad ku taalla gobolka California, ayaa  go’aan ka soo saartay -adeegga Messenger oo dowladda Mareykanku ay ku cadaadineysay in wadahadalladiisa la dhageysto- in aan cadaadiskaasi sharci ahayn, Facebook-na aan lagu lahayn in nidaamkiisa la bedelo si wadahadallada dadka isticmaala loo dhageysto, maxkamaddu waxey tiri, adeegga Messenger ma soo galayo wadahadallada la ogolyahay ee la dhageysan karo ee qawaantiida isgaarsiinta Mareykanka ay ogaalaaneyso in la dhageysto, maadama WiFi aanuu ka mid ahayn waxyaabaha la dhageysan karo ee mobile-ku ka mid yahay.

Si kastaba, markii ay shalay shirkadda Facebook ku dhawaaqday in la jabsaday xisaabaad barta uga furneyd 50 milayn oo qof, ayaa waxaa hoos u dhacay saamiga shirkadda oo aad u dhulka ugu hoobtay.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here