Mareykanka oo xirayo qunsuliyaddii uu ku lahaa magaalada Basra

0
734

Mareykanka oo xirayo qunsuliyaddii uu ku lahaa magaalada Basra

Mareykanka wuxuu sheegay inuu albaabada isugu dhufanaya qunsuliyadda uu ku leeyahay magaalada Basra ee ku taalla koonfurta Ciraaq isla markaasna uu ku eedeeyay Iiraan iyo ciidammada ay taageerto inay amni darro halkaasi ka abuurayaan.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in dhammaan shaqaalaha gurmadka deg deg ah ee ku sugnaa qunsuliyadda lagu amray inay ka baxaan halkaasi, lana gayn doono magaalada Baqdaad.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in Iiraan ay mas’uuliyadda qaadeyso waa haddii waxyeelleyn loo gaysto muwaadiniinta Mareykanka iyo dhismaha qunsuliyadda Basra.

Magaalada Basra waxay hoy u tahay in ka badan 2 milyan oo qof kuwaaso dhawaan la kulmay dibadbaxyo rabshado watay.

Pompeo wuxuu ku eedeeyay Iiraan inay ku guuldareysatay inay ka hortagto gantaallo dhawaan lagu weeraray qunsuliyadda Mareykanka ee Basra.

 

Siduu ku billowday dagaalkii qaraarnaa ee Iiraan iyo Ciraaq dhexmaray 1980?

Wuxuu yiri ” Waxaa sare u kacay weerarada iyo hanjabaadda ka dhanka muwaadiniinta Mareykanka ah iyo tashiilaadyada Mareykanka ku leeyahay Ciraaq”

Go’aanka Mareykanka ayaa imaanaya xilli xiisad ay ka dhex taagan tahay Mareykanka iyo Iiraan kaddib markii dhawaan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu cunaqabatayn dhaqaale oo hor leh kusoo roggay Iiraan, waxayna daba socotay markii Mareykanka uu ka baxay heshiiskii nukliyerka.

La taliyaha arrimmaha ammaanka Trump, John Bolton wuxuu toddobaadkan sheegay in Iiraan ay ka shaley doonto waa haddii ay isku taagto Mareykanka.

Waxaa dab la qabadsiiyay dhismaha xaafiiska barasaabkaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionWaxaa dab la qabadsiiyay dhismaha xaafiiska barasaabka

Shiicada oo haysato talada dalka Iiraan ayaa xiriir la samaysatay dowladda Ciraaq tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaasi Saddaam Xuseen.

Horraantii bishan, dad ku dibadbaxyay magaalada Basra ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladda ay halkaasi ku leedahay, waxaana kamid ah qunsuliyadda Iiraan ay ku lahayd magaalada Basra iyo xaruntii ciidammada ay tageerada u fidinaysay Iiraan.

Tiro shacab ah ayaa ku dhintay rabshado dhexmaray booliska iyo dibadbaxyaasha.

Dadka waxay ka careysnaayeen nolosha asaasiga oo ku adkaatay sida biyo la’aan, shaqo la’aan iyo waddo xumi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here