Isbarbar Dhiga Tayada Ay Leeyihiin Golihii Wasiirrada Ee Ugu Horreeyey Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xukuumada Muuse Biixi, Maxaa Sabab U Ah Saluugga Badan Ee Shacabka

0
775

Isbarbar Dhiga Tayada Ay Leeyihiin Golihii Wasiirrada Ee Ugu Horreeyey Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xukuumada Muuse Biixi, Maxaa Sabab U Ah Saluugga Badan Ee Shacabka

Kala Duwanaanshiyaha Xubnihii U Horreeyay Ee Uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo U Xushay Xubnaha Golihiisii Wasiiradda Iyo Xubnaha Uu Madaxweyne Muuse Biixi Xukuumaddiisa U Xushay + Dareenka Saluug Ee Shacabka

Gole Xukuumadeed oo kastaa waxa uu tamariyaa hadba xubnaha ku jiraa sida ay u kala aqoon, Khibrad iyo waayo aragnimo badan yihiin waxaana in badan shacabka gaar ahaan dadka siyaasadda ka faalloodaa ka hadlaan rag iyo haweenba Goloyaashii xukuumadeed ee dalka soo maray iyo sida ay u kala duwanaayeen ee Madaxweynayaasha xilalka soo maray ugu kala xusheen.

Marka aan si gaar ah uga hadalno xukuumadihii xisbiga KULMIYE, Dad badan ayaa is barbar dhig ku sameeya xukuumaddii uu markii ugu horraysay soo Xushay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo tan uu markii la doortay soo xushay Madaxweynaha hadda qaranka hogaamiya Md. Muuse Biixi Cabdi iyo farqiga u dhaxeeya dhinacyada aqoonta, Khibradda iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin dalka iyada oo in badan xukuumadda wakhtigan joogta xubno badan oo ka mid ah lagu dhaliilo waayo aragnimo la’aan, aqoon la’aan iyo khibrad aanay dad iyo dal toona u lahayn taasi oo dhaawac weyn u gaysan karta hammi kasta oo ay lahayd in ay xukuumaddani xaqiijiso.

Wargeyska Foore Waxa uu is barbar dhig ku samayn doonaa oo aan bulshada arrintaasi inta badan faaqidda la wadaagi doonaa magacyada Golaha Wasiirrada ee wakhtigan Madaxweyne Muuse u cugtay dawladnimada iyo golihii ugu horreeyey ee Siilaanyo badka keenay markii uu talada dalka la wareegay July 2010-kii.

Liiska xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo:

Arimaha Dibada iyo Xidhiidhka caalamiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiir ku xigeenkiisa Maxamed Yoonis Cawaale
Arimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, W/Xigeenkiisa Cismaan Garaad Soofe
Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Ku Xigeenkiisa Warsame Siciid Cabdi
Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Xuseen Axmed Caydiid Cali Cabdi Saa’iq
Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Samsam Cabdi Aadan, Ku Xigeenka Cali Xaamud Jibriil
Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed, Nimco Xuseen Qawdhan
Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Dr. Sacad Ali Shire
Gaashaandhiga , Axmed Xaaji Cali Cadami
Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Cabdirisaaq Khaliif Axmed
Xanaanada Xoolaha Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Dr. Axmed Xaashi Oday
Boosaha iyo Isgaadhsiinta , Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed
Cadaalada iyo Garsoorka, Prof Ismaaciil Muumin Aare
Diinta iyo awqaafka, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed
Shaqada iyo Ariamaha Bulshada, Ilhaan Maxamed Jaamac
Kaluumaysiga Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekadaha Dr. Maxamd Yaasiin Xasan
Macdanta Biyaha iyo Tamarta, Dr. Xuseen Cabdi Ducaale
Ciyaaraha Dhalinyarada iyo Dhaqanka, Maxamed Xaashi Madar
Beeraha Prof. Faarax Cilmi Maxamuud
Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi
Warfaafinta, Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)
Liiska xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi:

Sacad Cali Shire Arimaha Dibada Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah
Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon Wasiirka Waxbarshada
Cawaale Ibraahin Shirwac Wasiirka Qorsheynta
Maxamed Kaahin Arimaha Wasiirka Arimaha Gudaha
Ciise Axmed Cabdala Wasiirka Gaashandhiga
Yuusuf Maxamed Cabdi Raage Wasiirka Maaliyada
Cabdiqani Maxmuud Caateeye Wasiirka Wasaarada Cadaalada
Sheekh Khaliil Wasiirka Diinta Iyo Awqafta
Axmed Muumin Seed Wasiirka Beeraha
10 .Cabdirashiid Xaaji Ducaale Wasiirka Hawlaha Guud

Yuusuf Mire Maxamed Boos Wasaarada Ciyaaraha
Dr Cabdilaahi Sheekh Cabdilaahi Wasiirka Boosaha
Maxamed Sacad Iidle Saajin Wasiirka Wasaarada
Hinda Jaamac Gaani Wasiirka Arimaha Bulshada
Maxamed Axmed Cawad Wasiirka Horumarinta Maalgashiga
Xassan Gaafadhi Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumeysiga
17 . Cabdiraxmaan Cabdilaahi Guri Barwaaqo Wasaarada Warfaafinta

Shugri Baandaare Wasiirka Deeganka
Saleeban Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasarada Biyaha
Jamac Maxamuud Cigaale Wasiirka wasaarada Macdanta
21.Cabdilaahi Abokor Wasiirka Gadiidka Iyo Horumarinta Jidadka

Maxamuud Xaaji Cilmi Wasiirka Xidhiidhka Golahayasha
Dr Xassan Ismaciil Yuusuf Warsame Wasiirka Caafimaadka
Si kastaba ha ahaatee waxa marag ma doon ah in xukuumad walba lagu xasuusan doono waxa ay qabato iyo hannaanka ay dalka ugu hogaamiso wakhti shacabka Somaliland walaac weyn ka qabaan in xisbiga KULMIYE xukuumadihiisii kala dambeeyey ay dalka ka hir galiyaan dawlad wanaag iyo waxqabad umaddu ku majeerato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here