5 Calaamadood oo Lagu Garto Xiriirka Been-abuurka Ah ee Khiyaanada Ku Dhisan

0
1899

5 Calaamadood oo Lagu Garto Xiriirka Been-abuurka Ah ee Khiyaanada Ku Dhisan

Gabdho badan xaaladda ayaa ku adkaata marka ay xiriir ku fashilmaan, xasuustu si sahlan ugama go’do, sheekooyinkii dhaadheera dhagahooda kama go’aan, markaa waxa ugu horreeya oo ay ku baraarugeysaa waa in wixii loo sheegayay oo dhan ay ahaayeen been iyo sasabasho marka hore shabaq lagu soo gelinayay.

Hadaba, si ay kuugu suuragasho inaad beenta xilli hore sii ogaato oo xiriirka aad dareento inaanuu mid niyad ah ahayn, waxaad eegtaan 5 qodob oo kuu xaqiijinaya inaan xiriir mustaqbal ah aan daacad laga wada ahayn.

  1. Magacaaga Kuuguma Yeero

Marka qofka lamaanihiisa magaceeda macag aan ahayn uu ugu yeero, waxaa hubaal ah inaanuu xiriirka daacad ka ahayn, qofku ruuxa uu jecelyahay magaceeda magac kale kuma khaldo.

  1. Faahfaahinta dan kama laha

Haddii aad kala sheekaysaneyso arrin faahfaahin iyo falanqeyn u baahan oo aad weydiiso waxyaabihii maalinta uu la kulmay, waxaad dareemaysaa inuu kugu adkaanayo oo aanuu ogoleyn inuu wax faahfaahin ah ku siiyo, qofka xiriirku uu run ka yahay faahfaahinta ugu yar ma illaawo ee maalintii soo marta.

  1. Meermeerintu waa maheraddiisa

Marka waxwalba oo guurka u fududaynayay uu haysto oo guurku uu u sahlan yahay, iskuma dayayo inuu tallaabo horey u qaado, marka kasta marmarsiiyo ayuu keenaa, duruufta ugu sahlan ayuu ka faa’idaystaa si uu guur uga baaqsado.

  1. Ka Faa’iidaysiga ayuu ku dheereeyaa

Waxyaabaha uu kuu sheegayo waxaa ka mid ah, hadda waan is-fahamnay si wanaagsan ayaan isku dhex galnnay, waxa inaga maqan waa inaan is-guursanno oo kaliya, mastaqbalkana waan ku talo jiraa.

  1. Kuuma Masayrayo

Haddii aad aragto in lamaanahaaga aanuu kuu masareyn, waa calaamad muujineysa inaanuu dan iyo mustaqbal toona kaa lahayn, sida caadiga ah masayrku fudud aan dhibaatada lahayn, waxa uu ka mid yahay jacaylka awooddiisa waxyaabaha lagu garto.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here