DEG DEG : Ciidamo La Wareegay Xarunta Dowladda Hoose Ee Magalada Boorama

0
2697

DEG DEG : Ciidamo La Wareegay Xarunta Dowladda Hoose Ee Magalada Boorama

ararka naga soo agaraya Magaalada Borama ee Xarunta Gobolka Awdal ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Soomaaliland ay Maanta la wareegeen Xarunta dowladda Hoose ee Magaladaas.

Ciidamadaas ayaa wararka aan helnay waxa ay sheegayaan inay ka amar qaataan Wasiirka Arrimaha gudaha ee Soomaaliland,waxana saakay lagu arkay banaanka iyo gudaha Xarunta Dowaldda Hoose ee Magalada Boorama.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in Gudaha Xarunta uu ku jiro Hanti dhowraha Qaranka Soomaaliland iyo Mas’uuliyiin kale,iyada oo wararka qaar ay sheegayaan inay jirto xilka qaadista Guddoomiyaha Golaha deegaanka Magalada Boorama.

Gudaha Xarunta Dowladda Hoose ee Magalada Boorama ayaa Maanta waxaan ka socon wax Shaqo ah,waxaana ku hareereysan ciidamo ka amar qaata Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here