Madaxweyne Farmaajo oo shir degdeg isugu yeeray Madaxda Galmudug

0
902

Madaxweyne Farmaajo oo shir degdeg isugu yeeray Madaxda Galmudug

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shir degdeg isugu yeeray madaxda kala irdhowday ee Dowlad Goboleedka Galmudug, si loo soo afjaro xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee kasoo cusboonaaday deegaannadaas.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu si dhaw ula socdaa khilaafaadka siyaasadeed ee haatan ka dhex jira madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug, waxa uuna ka walaacsanyahay isku dhacyada qaar kamid ah beelaha deggan Gobolka Galguduud oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Madaxda Galmudug ee kala fadhiya Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa maalmo ka hor xil qaadis midi midi ku taag aheyd isku sameeyay, waxaana labada dhinac ay qabanayaan doorasho iska soo horjeeda.

Shirkan uu isugu yeeray Madaxweynaha ayaa ka furmi doona Madaxtooyada Qaranka laga bilaabo 24ka Sebteembar, 2018, waxaana looga wada xaajoonayaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug.

“Waxaan ku rajo weynahay in dhammaan dhinacayda ay taabanayso arrintan ay muujiyaan tanaasul, biseyl siyaasadeed iyo in danta guud laga hormariyo midda gaarka ah si hore loogu sii wado dadaalladii ay horumuudka ka ahayd Dowladda Federaalka ee lagu dhammeystirayay heshiisyadii ay hore u kala saxiixdeen madaxda Galmuudg.”ayaa lagu yiri war saxaafadeed caawa laga soo saaray Madaxtooyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku khilaafsan Galmudug in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta geeddi socodka wada hadallada iyo nabadeynta.

Khilaafaadka ka jira Galmudug waxay soo mareen marxalado kala duwan, mar walbana Dowladdu waxa ay u taagantahay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti duwaanshaha siyaasadeed ee ka jira deegaankaas.

Shacabku waxay ka sugayaan maamulka Galmudug in la daadajiyo adeegyada aasaasiga ah taasoo u baahan xasillooni siyaasadeed, deganaansho amni iyo wada shaqeyn buuxda oo ay yeeshan madaxda.

Dowladda Federaalka ayaa horay ugu guuldaresatay dhex dhexaadinta Madaxweynaha Galmudug, kuxigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, oo la xiriiray xalinta khilaaf ka dhashay fulinta Heshiiskii Jabuuti ee Ahlusuna iyo Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here