Daraasad Daahrogtay Saameynta Aan Wanaagsaneyn ee Baraha Bulshadu u Leeyihiin Dumarka

0
1038

Daraasad Daahrogtay Saameynta Aan Wanaagsaneyn ee Baraha Bulshadu u Leeyihiin Dumarka

10 sano ka hor, xilli aan si aad ah loo wada baran Baraha-bulshada, xaaladda gabdhuhu waxey ahayd mid aad uga wanaaagsan tan maanta, waa sida ay sheegayso daraasad Ingiriis ah oo cusub.

Daraasaddan oo ay sameeyay ururka “Girlguiding“, oo ku takhasusay cilmi-baarista ku saabsan gabdhaha, ayaa sheegay in 30% gabdhah da’doodu u dhaxayso 17 ilaa 21 sano, inaaney farxad dareemayn, marka loo barbardhigo 11% dumarka ay isku da’da ahaayeen ee sanadkii 2009.

Sababaha nayad-jabkooda ka dambeysa waxey ku sheegeen iney tahay Baraha-bulshada 59%, kadib sababta ka muhiimsan ee ahayd in imtixaan waxbarasho ay niyad-jab kala kulmeen oo 69%, waa sida lagu sheegay natiijooyin ay soo bandhigtay jariidada “The Telegraph” ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Inta aaney Baraha-bulshada soo bixin, gabdhaha waxaa badneyd iney kullamo badan ay la qaataan gabadhaha kale ee saaxiibbadood ah.

Sida daraasaddan lagu sheegay, gabdhaha guryaha isku soo booqda ee (11 ilaa16 jirka ah), waxey hoos u dhacday 10-kii sano ee lasoo dhaafay 69% ilaa 21%.

Madaxa ururkan “Girlguiding”, Amanda Medler ayaa tiri: “Daraasaddu waxey gudbineysaa farriin cad oo ku aaddan khatarta gabdhaha iyo dumarka da’da yar ay si maalinle ah ula kulmaan iyo saameynta taban ee aan wanaagsaneyn ee ay noloshooda ku reebayso.”

Waxey intaa sii raacisay: “In gabdhuhu ay hadda xilliyadii hore ka murugo badan yihiin, taasina aaney arrin wanaagsan ahayn, in  badan oo ka mid ah mashaakil farabadan ayey waajahayaan oo ku aaddan caafimaadka naftooda sannooyinkii la soo dhaafay.”

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here