“Mucjiso Rabbaani Ah”.. Canug Yar oo Afar Lugood Ku Dhashay oo Dhakhaatiirta Ka Yaabiyay!

0
1054

“Mucjiso Rabbaani Ah”.. Canug Yar oo Afar Lugood Ku Dhashay oo Dhakhaatiirta Ka Yaabiyay!

Canug yar oo dalka India u dhashay ayaa Afar lugood ku dhashay iyo Labo xubnood oo taranka ah, kaas oo ka yaabiyay dadka deegaanka oo meelo dhaareer uga soo daawasho tagay, waxey ku sheegeen inuu yahay “Mucjiso rabbaani ah”.

Wiilkan yar oo aan magaciisa la shaacin ayaa waxa uu ku dhashay 16 September,Gorakpur, waa magaalo ku taalla gobolka Uttar Pradesh, waqooyi India, 1,200 koonfurta bari ee New Delhi. ilmahan yar ayaa qalliin loogu sameynayaa isbitaalka magaalada Lucknow, sida uu aabihii sheegay, Bulhan Nishad.

Muuqaal Video ah oo laga soo duubay ayaa muujinaya dad ku hareeraysan canug yar oo ku dul ooyaya sariirta isbitaalka.

Canugan yar hooyadii ayaa isbitaalka la geeyay kadib markii ay dhibaato daran dareentay kadib dhalmadeeda, sida warbaahinta gudaha ay sheegayeen. halka labada waalid ay aad uga nexeen in xaaladda uu ku dhaso ilmahooda yar.

Iyadoo ay jirto in waalidka canugan yar dhalay ay dhalashadiisa aad uga naxsanaayeen, ayaa dadkii deegaanka ay aad ula dhacsan yihiin, waxeyna ku tilmaameen mid “Mucjiso Rabbaaniya ah.”

Iyadoo ay jirto in xaaladda dhashada ay tahay mid naadir ah, ayaa la aaminsan yahay in hal-kii milyanba mid lagu arko iyadoo dhacdooyin badan oo noocan ah horey dunida loogu arkay.

Maandeeq FM 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here