Mike Pompeo oo sheegay in K/Waqooyi ay wali tahay halis niyukleer

0
740

Mike Pompeo oo sheegay in K/Waqooyi ay wali tahay halis niyukleer

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi wali ay tahay khatar muuqata, inkastoo halistaasi imika ay yaraatay.

Pompeo oo wareysi siiyay BBC-da ayaa waxaa kale oo uu sheegay in cunaqabateynta dhaqaale ee saaran Kuuriyada waqooyi ay wali sideedi ahaan doonto ilaa iyo inta laga xaqiiijinayo burburinta Hubka Niyuklerka ee Kuuriyada Waqooyi.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay soo baxayay fariimo muujinayay rajo ka dib markii hogaamiyayaasha labada Kuuriya ay kulmeen.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ug talabaxo barnaamijka Niyukleerka.

Mr Pompeo ayaa sheegay in mar dhaw uu u safri doono Pyongyang si uu Kuuriyada Waqooyi ugu cadaadiyo wadahadalada ku saabsan Niyukleerka.

Waxa uu sidoo kale ka shanqariyay rajada uu ka qabo in dadaalkani dublamaasiyadeed uu horseedi doono kulan labaad oo dhex mara madaxwayne Trump iyo Mr Kim.

Balse waxa uu sheegay in wali jirto halista Niyukleerka eek a imanaysa Kuuriyada Waqooyi.

Madaxwayne Trump ayaa qoraal uu horey Tweetar-ka uu soo dhigay waxa uu ku sheegay in Kuuriyada Waqooyi aysan sii ahaan doonin halis dhanka niyukleerka ah ka dib kulankii uu bishii June la yeeshay Mr Kim .

Balse xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa beeniyay fikirka ay rumaysan yihiin qaar ka mid ah wadamada saaxibada dhaw la ah Mareykanka ee ah in arrinta ay sii adkaysay Mr Trump oo doonaya in siyaasadda arrimaha dibada uu ku faaqido barta Tweetar-ka.

Labada Kuuriyada ayaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ahaa kuwa isu soo dhawaanayay waxaanaa dhawaan markii ugu horeysay hogaamiyayaasha labada Kuuriya ay kulan ku yeesheen caasimada Kuuriyada Waqooyi ee Pyongyang.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here