Tarreenkii Ugu Horreeyay Adduunka oo Hydrogen Ku Shaqeeya

0
746

Tarreenkii Ugu Horreeyay Adduunka oo Hydrogen Ku Shaqeeya

Shirkadda Alstom ee sameynta tareennada ee Yurub, ayaa soo saartay tareenkii ugu horreeyay oo unugyo Hydrogen ah ku shaqeynaya dunida dusheeda ku dhaqaaqa.

Dhanka xawaaraha, tareenka waxaa lagu safri karaa 140 Km saacaddii, waxaana uu ka mid noqonayaa adeegga ganacsiga “Lower Saxony” ee gudaha Jarmalka ka howlgala.

Tareenkan ayaa ku shaqeynaya hydrogen iyo oxygen dhalinaya tamarta uu tareenku ku dhaqaaqayo.

Maamulaha fulinta shirkadda Henri Poupart-Lafarge, ayaa bayaan uu soo saaray Axaddii 16 September aan ku jirno ku yiri:

“Tarreenkii ugu horreeyay oo hydrogen-power ku shaqeynaya dunida ayaa ku biiray adeegga gaadiidka dadweynaha.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in “Coradia iLint“, waxa uu ku bishaareynayaa waqti cusub oo loo guurayo gaadiid aan hawada wasakheynayn, waxa uu intaa sii raaciyaya: “Waa daahrog ka dhashay howl-wadareed Faransiis iyo Jarmal ay iska kaashadeen, waxa uu tusaale u yahay iskaashiga xuduudda dhaafsiisan.”

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here