Maxkamada Pakistan oo baabi’isay xukunka lagu ridey Nawaz Sharif

0
760

Maxkamada Pakistan oo baabi’isay xukunka lagu ridey Nawaz Sharif

Maxkamad ku taal dalka Pakistan ayaa baabi’isay xukun hore loogu ridey Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas Nawaz Sharif iyo xubno qoyskiisa ka tirsan.

Nawaz Sharif, gabadha uu dhalay Maryam iyo wiilka uu soddoga u yahay Muhammad safdar ayaa  lagu wadaa in xabsiga laga sii daayo iyadoo bishii July ee sanadkan ay maxkamad ku heshay dambi ah musuqmaasuq maadaama ay keeni waayeen halka ay ka heleen hanti ay suuq ugaga furteen magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Xaakimka Maxkamada Sare e Islamabad Athar Minallah ayaa sheegay in ay guddiga u qaabilsan la xisaabtanka iyo ka hortagga musuqa ay keeni waayeen cadeymo isla xiriirinaya dhismaha su’aasha laga keenay iyo ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan iyo xubno kamid ah qoyskiisa.

Sharif ayaa xabsi gaaraya toban sano lagu xukumay iyo weliba ganaax gaaraya $10.5m,halka gabadhiisa Maryam lagu xukumay toddobo sano oo xarig ah iyo ganaac dhan $2.6m halka seyga Maryana lagu xukumay hal sano oo xarig ah.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Nawaz Sharif ayaa maxkamada sare ee dalkiisa waxa ay bishii  April ee sanadkan ka mamnuucday inuu abid ka qabto xil dalkiisa iyadoo ay ku eedeysay inuu soo hordhigi waayay baarlamaanka dalkiisa hantida uu leeyahay taasina ay tahay dambi.

Go’aanka ay gaartay maxkamada sare ee dalka Pakistan ayaa waxa uu dharbaaxo  ku yahay  siyaasiga ay xafiiltamaan Imran khan kaasoo ku guuleystey doorashadii ka dhacday dalka Pakistan bishii July ee sanadkan.

Imran Khan oo haatan ah Ra’iisul Wasaaraha  Pakistan ayaa xilliga ay maxkamadu go’aanka gaaraysa waxa uu  booqasho rasmi ah ku joogay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here