Jabhadda ONLF oo sheegtay inaysan ka tanaasuleyn ka go’ida dalka Itoobiya

0
763

Jabhadda ONLF oo sheegtay inaysan ka tanaasuleyn ka go’ida dalka Itoobiya

Afhayeenka janhadda  ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge ( Caddaani) ayaa sheegay iney jabhadda ONLF marnaba ka tanaasuleyn mowqifkeedi ahaa iney gooni isu taagto oo ay ka xoroobaan dalka Itoobiya.

Hirmooge ayaa ka mid ahaa wafdigii uggaga qeybgalay shirka ay jabhada ONLF iyo dowlada Itoobiya ku yeesheen caasimada Eritrea ee Asmara kaasi oo lagu gaaray heshiis ah in la sii wado wadahadalada u dhexeeya labada dhinac.

Caddaani Hirmooge oo ah afhayeenka ONLF ayaa u sheegay laanta afka soomaaliga ee bbcda in “Heshiis iyo is-afgarasha kasta oo dhacda iney ururka ONLF uu amarnaba ka tanaasuleyn hadafki aaya ka talinta ee ay ONLF muddo u soo halgameysay”.

Jabhada ONLF oo dagaalo hubeysan kala soo horjeeday dowlada Itoobiya ayaa dhowaan ku dhowaaqday inay wadahadalo la galayso xukuumada uu madaxda ka yahay  Abiy Ahmed.

Afhayeenka ONLF ayaa sheegay in ajandayaasha ay ka wadahadlayaan dowlada Itoobiya ay ka mid tahay aaya ka talinta.

“Aaya ka talintu waa wax shacabku iska leeyahay waana xaq caalami ah oo qaanuuni ah, xeerarka Itoobiya iyo Kuwa caalamigaba ay qorayaan waana xuquuq caalami ah oo ay qowmiyad kasta leedahay oo markay rabto ay adeegsan karto marka xaqa aaya ka talinta weligii aan laga tanaasuleyn.”ayuu yiri Hiirmooge.

Hiirmooge ayaa sheegay iney maamulka cusub ay si wanaagsan isula jaanqaadayaan wadahadallada ay yeesheenna ay si weyn isugu fahmeen.

Hase yeeshee waxaa muuqata in dowlada Itoobiya aysan aqbalayn in ay madax banaani siiyaan ismaamulka Soomaalida iyadoo dhowaan uun ay dowlada Itoobiya bilowday inay shidaal ka soo saaraan dhulka ay soomaalidu degto.

Qoondada ay dadka Soomaalida laga siiyay dhaqaalaha laga helo shidaalka ayaa ah mid aad u yar  oo ah boqolkiiba shan taasoo ay hore jabhada ONLF ugu gacan seyrtey.

Ururka ONLF iyo ururo kale oo hubaysan oo dawladda Itoobiya dagaal kula jiray laga saaray liiskii argagixisanimada ee muddada dheer ay ugu jireen xukuumadda Ethiopia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here