Hillary Clinton oo Laga Saaray Manhajka Mareykanka.. Kaalinta Aasaaska Mareykanka uu Ku Laahaa “Nebi Muuse” oo Aan Waxba Laga Bedelin!

0
877

Hillary Clinton oo Laga Saaray Manhajka Mareykanka.. Kaalinta Aasaaska Mareykanka uu Ku Laahaa “Nebi Muuse” oo Aan Waxba Laga Bedelin!

Guddiga waxbaarashada gobolka Texas ayaa u codeeyay in manhajka waxbarashada Mareykanka laga saaro “Hillary Clinton” iyo shaqsiyaad kale oo taariikh ku lahaa dalkaas, waxey sideedii u daayeen kaalinta Nebi Muuse uu ku lahaa aasaaska Mareykanka, si ardayda loogu fududeeyo duruusta.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday jariidada The Independent ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, waxyaabihii kale ee goluhu u codeeyeen waxaa ka mid ahaa in kaalinta Nebi Muuse uu ku lahaa aasaaska Mareykanka aan waxba laga bedelin oo sidii hore ardayda loogu dhigo.

Dad badan oo Mareykan ah ayaa aaminsan in Nebi Muuse(C.S) uu kaalin weyn ku lahaa aasaaskii Mareykanka, waa sida uu sheegayo qoraaga reer Mareykan Bruce Feiler ee qoray buugga America’s Prophet: Moses and the American Story (Nebiga Mareykanka: Muuse iyo taariikhda Mareykanka), sheekadan ayaa waxaa adeegsada Jamhuuriyiinta demuqraadiga, shuyuuciyiinta, capitalists-ka, Yahuudda iyo Masiixiyiinta, si aan loo kala harin, waana tan keentay in ardayda iskuullaadka loogu dhigo.

Buruce Feiler, waxa uu tilmaamayaa inta badan in dalka Marykanka la yiraahdo waa waddan Masiixi ah, laakiin arrintaasi ay khalad tahay. maadaama ay masiixiyiintu Muuse ka dhigteen aabbe aasaase u ah. «Waxaa Yahuudda halkan looga soo dhaweeyay, maadaama qisadoodu ay shabbahdo riyada Mareykanka!»

November, 2018  soo aaddan ayaa la filayaa in codeyn kama dambeys ah loo qaaday in shaqsiyaad caan ah laga saaro Manhajka, kaalintii Nebi Muuse ay sideedii ahaato,  iyadoo la tilmaamayo in ka saaridda Hillary ee dhanka manhajka ay macallimiinta siineyso waqti 30 daqiiqo ah oo u soo hareysa si ay howlo kale uga faa’ideeyaan.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here