Maamul goboleedyada oo ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ku lug leedahay Xaalada qasan ee Galmudug

0
799

Maamul goboleedyada oo ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ku lug leedahay Xaalada qasan ee Galmudug

Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada ayaa war saxaafadeed ka soo saaray xaalada qasan ee ka taagan Galmudug iyo kaalinta dowladda Federaalka.

War saxaafadeedka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo ku taariikheysan 18ka September ayaa waxay ku eedeeyeen dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso arrimaha ka jira Galmudug, isla markaana qeyb ka tahay dhaq dhaqaaqyada aan wax dhiseyn ee ka socda.

Golaha Iskaashiga ayaa si gaar ah u soo qaatay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay furitaankii Kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka in Madaxweynuhu ugu yeeray Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Galmudug iyo Hishabeelle inuu kala shaqeynayo Danta Guud, taasna ay daliil cad u tahay waxa ka socda Galmudug.

Waxaa uu Golaha soo dhoweeyay Heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug, isagoo ku baaqay in dowlad goboleedka Galmudug loo madax banaaneeyo hirgelinta heshiiskaas, lagana daayo wixii caqabad ku ah heshiiskaas.

Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan Maamulka Galmudug, iyadoo Xildhibaanada ku kala sugan Cadaado iyo Dhuusamareeb ay dhinac walba isugu jawaabeen xil ka qaadis iska soo horjeeda oo Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenkiisa ku sameeyeen, taasoo u muuqata xaalad fowdo ah oo midi midi ku taag ah.

Halkan ka akhriso War saxaafadeedka:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here