Bilyaneer u dhashay dalka Japan oo dalxiis ku tagaya Dayaxa

0
890

Bilyaneer u dhashay dalka Japan oo dalxiis ku tagaya Dayaxa

Shirkadda SpaceX ee uu leeyahay ganacsadaha lagu magacaabo Elon Musk ayaa shaaca ka qaadday magaca qofkii ugu horreeyay ee si gaar ah, isagoo rakaab ah ugu soo dul wareega dayaxa.

Bilyaneer u dhashay dalka Japan ahna maal qabeen ka ganacsada naqshadaha dharka ee lagu iibiyo internet-ka oo lagu magacaabo Yusaku Maezawa, ayaa ku dhawaaqay inuu yahay qofka billaabaya booqashada caadiga ah ee dayaxa ku wajahan.

Ninkaan oo 42 sano jir ah ayaa yiri “Waxaan doortay inaan aado Dayaxa.”

Waxaa la filayaa inuu raaco dayax gacmeed lagu magacaabo Big Falcon Rocket (BFR), oo farsameyntiisa ay shirkadda Mr Musk shaacisay sannadkii 2016-kii.

Safarka lagu aadayo dayaxa oo hadda qorshihiisu uu yahay sannadka 2023-ka ayaa noqon doonaa kii ugu horreeyay ee ay bani’aadanka ku tagaan dayaxa tan iyo sannadkii 1972-kii, xilligaasoo dayax gacmeedka Apollo 17 ee Mareykanka uu caga dhigtay dayaxa.

Arrintaan xiisaha leh ayaa maanta oo Talaada ah looga dhawaaqay xarunta shirkadda SpaceX oo ku taalla magaalada Hawthorne ee gobolka California.

Mas’uuliyiinta shirkadda ayaa sheegay in tallaabadaas ay ka dhigan tahay “Muhiimad weyn oo sahleysa in fursad la siiyo qof walba oo ku riyooda inuu hawada sare u dalxiis tago”.

Horay ayuu Mr Musk barta Twitter-ka ugu sheegay in qofka rayidka ah ee u socdaalaya Dayaxa uu noqon doono muwaadin u dhashay dalka Japan.

Maal qabeenka reer Japan ee lagu magacaabo Yusaku Maezawa ayaa soo caan baxay sannadkii la soo dhaafay, ka dib markii uu isagoo New York jooga lacag dhan 110.5 malyan oo doolar ka bixiyay sawir gacmeed laga sameeyay fannaan Mareykan ah oo horay u geeriyooday, kaa soo lagu magacaabi jiray Jean-Michel Basquiat.

Mr Maezawa ayaa Isniintii sheegay in lix ilaa sideed farshaxaniiste uu ku casuumi doono iney ku wehliyaan safarka uu ku aadayo hawada sare.

Mr Maezawa wuxuu sheegay inuu ku marti qaadi doono ilaa 8 farshaxaniisyte inay dayaxa u socdaalaanLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMr Maezawa wuxuu sheegay inuu ku marti qaadi doono ilaa 8 farshaxaniisyte inay dayaxa u socdaalaan

“Markii ay dhulka ku soo laabtaan waxaa laga codsan doonaa iney wax ka sameeyaan. Farshaxaniistayaashaas waxay hammi galin doonaan dhammaan dadka naga midka ah ee riyadaasoo kale leh” ayuu ku yiri saxafiyiinta.

24 ruux oo kaliya oo dhammaantoodna u wada dhashay dalka Mareykanka ayaa horay u tagay dayaxa, in kastoo dadkaasoo idil aysan wada caga dhiganin dayaxa dushiisa.

Qaar ka mid ah cir bixiyeennada la socday dayax gacmeedkii Apollo ayay shaqadooda ahayd ineysan soo dagin oo ay dusha sare heehaabaan. Xitaa Mr Maezawa qudhiisa ayaan caga dhigan doonin dayaxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here