18 kaluumeysato Iran ah oo lagu afduubtey Soomaaliya.

0
563

18 kaluumeysato Iran ah oo lagu afduubtey Soomaaliya.

Cabdolqafur Iranejad oo ka tirsan baarlamaanka Iran ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo lagu soo deynayo 18 kaluumeysato Iran ah oo lagu afduubtey Soomaaliya.

“18 Kaluumeysato ayaa lagu afduubtey Soomaaliya, 4 waxaa ay heysto burcad badeed dhowr ah halka 14 kale ay qabsadeen Al-shabaab” sidaasi waxaa ICANA u sheegay Cabdolqafur Iranejad.

Xildhibaanka soo sii hadlayey waxaa uu sheegay in 4ta kaluumeysto laga sii daayey burcad badeedda balse inta kale weli la heysto.

Cabdolqafur Iranejad, waxaa uu ku doodayaa in dadkani ahaayeen kaluumeysato, isla markaana ay heystaan dad argigixiso ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here